Heerarkii Ay Soo Mareen Ciyaaraha Gobollada Somaliland
Hore waxa u jirtay waayadii xukuumaddii wixi la isku odhan jiray Somalia Tartan ciyaareed oo loo qaban jiray 18 gobol oo ay koobnayd xilligaas Somalia waxay ciyaarahaasi meesha ka baxeen markii uu dhacay Bur burkii Somalia waxana ugu danbaysay Sanadkii 1986 koobkaas oo ahaa labadii sanaba hal mar waxa sababay inay ciyaarahaasi meesha ka baxaan dagaalladii dalka ka dhacay.
Tan iyo wakhtigii Somaliland la soo noqotay Madaxbanaanida,waxa ay ka soo bilaabmeen ciyaaruhu sannadkii 2002 dii,waxana loo qabtaa hab (Optional) ah oo aan ahayn xidhiidh hase ahaatee waxaynu odhan karnaa xiiseheeda ayay Leeday wakhtigaas dhallinyartu waxay helaan madadaallo iyo jidh dhis Waxayna ku abuurtaa xamaasad heer sare ah,waxay kaga mashquleen balwadaha,dhalin yar badan ayaa magacoodu kor u soo kacaa oo hela jaanis iyo fursad ay ku soo bandhigaan kartidooda iyo hibada allah siiyay,tartankan waxa ka qayb gelaya 14ka Gobo lee kala ah;M/jeex,Togdheer,Awdal Saaxil,Sanaag,Sool,Daad madheedh Hawd,Sellel,xaysimo,Buuhoodle,Saraar,Badhan,iyo gebiley.
Taariikhda Ciyaaraha Koobka Gobolada Somaliland.
tx | Sannadka finalka | Taariikhda | Qaadday VS laga qaaday | |||
1 | Koobkii 1aad | 2002 dii | M.jeex Vs Gabiiley | |||
2 | Koobkii 2aad | 2003 dii | T/dheer vs Sanaag | |||
3 | Koobkii 3aad | 2004 tii | Sanaag Vs T/dheer | |||
4 | Koobkii 4aad | 2007 dii | T/dheer Vs Awdal | |||
5 | Koobkii 5aad | 2011kii | M/jeex Vs Hawd | |||
6 | Koobkii 6aad | 2013kii | M/jeex Vs Hawd | |||
7 | Koobkii 7aad | 2016kii | Awdal Vs Saaxil | |||
8 | Koobka 8aad | 2020kii | ??????????????????? | |||
tx | Magaca Gobolka | Inta koob ee ku guulaystay | ||
1 | M/jeex | 3 koob | ||
2 | Togdheer | 2 koob | ||
3 | Sanaag | 1 koob | ||
4 | Awdal | 1 koob | ||
tx | Gobolka martigeliyay | Magaalada | Tirade koobabka |
1 | M/jeex | Hargeisa | 5koob |
2 | Togdheer | Burco | 1koob |
3 | Awdal | Booramme | 1Koob |
Guul ayaanu u rajaynaynaa Tartanka Ciyaaraha Gobollada ee Dalka gaar ahaan Caasimadda Somaliland ee Hargeisa maanta ka bilaabmay.
Rashiid Odawaa