Adeer i Dhaafi
Tiyaatarka Hargaysa oo dhismihuusu ku beegnaa 1976 kii fikirkiisana ay lahyaayeen Abwaan Cisman Aadan Xuseen (Cisman Askari) iyo Idiris Cigaal oo ka kala tirsanaa Radio Hargyasa iyo Hobolada Waabari ee Hargeisa, iyadoo ay xilligaa hoballadu hoos iman jireen Idaacada Hargaysa. sababtoo ah ma ay dhisnayn wax madal ah oo ay ku shaqeyaan kuna soo saaraan hibadii ay lahayeen ee ahayd fanka.
Fanka ayaa ah shayga kaliya ee la mahadiyay ee ay aduunyaddu iyo inta afkeena barataa inagu majeerato, laga soo bilaabo Livingston ilaa maanatadan aynu joogno, waxa la isku raacay in aynu leenahay suugaan iyo af hodan ah oo aan Eebe hibo u siin quruumo badan oo caalamka ku nool. Taasi oo gilgishay quluubtii Cisman Askari iyo Idiris Cigaal alle ha u naxariisto e’, waxaana ku dhashay fikir ah in Hargaysi u baahantahay in loo dhiso gole maaweelo iyo madadaalo kadibna waxay fikirkii ula tageen Guddomiyhii Gobolka Waqooyi-Galbeed oo ay Hargaysi magaalo madax u ahayd, waa ninkii la mahadiyay ee Bile Rafle Guuleed.
Bile Rafle Guuleed waa ninka kaliya ee aan is leeyahay cid ka hormuudsan ma jirto, mana jirto cid sheegan karta inta mashruuc ee uu ka fuliyay gobolkii hore loo odhan jiray Waqooyi-Galbeed laga soo bilaabo 26 kii june 1960 kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadanay boqrtooyada Britain iyo dawladihii kala danbeeyay ee dhismay ka dib midawgii aynu la galnay Somalia, ilaa maanta oo aan maqaalkan qorayo oo ay tahay October 2020 ka. Hawl qabadyadaa hadii aynu wax yar ka xusno waxa ka mid ahaa: Raristii uu ka raray magaalada Hargysa gudaheeda reerihii aqal soomaliyada ku jiray oo uu sameeyay labo xaafadood oo cusub oo loo kala bixiyay Hawl-wadaag iyo Siinay Library. Waxa kale oo uu yagleelay Guriga Hidaha iyo Dhaqanka iyo Golihii Murtida iyo Madadaalada oo qaadi jiray 400 oo qof oo fadhi ah iyo 500 oo qof oo istaaga ku daawan jirtay, dhismahaas oo uu ku faro yaraystay alle ha u naxariisto e’ ingineer Cisman Caabi.
Maalintii ay midho dhalka noqotay fikirkii Cisman Aadan Xuseen iyo Idiris Cigaal Nuur waxaa ka soo wareegay 44 sanno sidaas ayaanu ku hirgalay Golihii Murtida iyo madadaaladu. Kaasi oo aan ka mid ahaa dadkii marar badan ku dawaday googoosyo iyo ruwaayado sida: Wadhaf iyo Shimbiri War Isuma Hayaan, Galbeed Waa Laxoreeyee Waarsaa Gaagixisay, Sidaa Ma Isku Qabnaa Mise Waan Qasannaa? Iyo kuwo kale oo badan. Ha noqoto Soomaliya markii la isku ahaa ama imka oo Somaliland la yahay e’ ma jirto cid Bile Rafle hortii iyo dabadii wax tar intaa la’eg gaysatay. Maanta Hargaysi Gole murtiyeeed iyo mid madaadaalo iyo Bile Rafle toona ma haysato.
Allow nin karti iyo raganimo uu wax ku meel marin karo leh ma ahaa! haba koobnato sanad maaliyadeedkii gobalka u madaxda ka ahaa ee Waqooyi galbeed. Wa marka aad is odhanayso yaa wakhtiga dib u celiya aad saxdaan wixii idinka qaldamaye. Maanta golaahaas aan ka soo sheekeeyay iska dhaaf mid lagu badalo ee halkii uu ka dhisnaa ayaa la raamsaday oo loo badalay bacadle iyo tukaamo dad gaar ahi sheeganayaan. Allow yaa soo celiya Bile Rafle Guuleed.
Hadaba aan ku soo noqdo dulucda maaqaalka ee ka hor intii aan la dhisin tiyaatarkaa waynaa ee Hargaysa, wixii ruwaayad ah waxa lagu soo bandhigi jiray geerash ka sareeyay Hargeysa National Cinema markii danbena Beerta Xoriyada. Hadaba da’yarta u jeelan in ay riwaayda daawato waxa adkayd in ay iska bixiyaan kharash ka yar ee lagu daawanayo oo ahayd waxoogay shilimaad ah, hase ahaatee ay adkayd in la helo ama dhalinyarada aan wax camal ah hayn ama arday ahi tahli karaan. Waxay dhalinyartu isku dayi jireen bal in ay si kale u maareeyaan.
Siyaabaha ay u maarayn jireen waxa ka mid ahaa inay gidaarka beerta xoriyada ka dhacaan si ay bilaa lacag ugu daawadaaan, taasi oo ahayd khatar loo badheedhayo sababtoo ah hadii ay gacanta kugu dhigaan ciidamaa bilayska ee goobta ilaalinayaa waxaa laguu taxaabayaa Police stationka wayn ee Hargaysa. Hadii ananay sidaa yeelin waxaa u furnaa jid kale oo ahaa in dadka waawayn ee riwaayada lacagta ka bixyay ee haysta tigidhkii ay ku dhaafi lahaayeen control ka, in ay ka codsadaaan in ay gacanta qabtaan oo dhaafiyaan kadinka laga galayo iyadoo ay iska dhigayaan inay yihiin ehel kii ama caruurtii qofkan wayn ee tigidhka sita. Laba midba way noqon jirtay in la diido iyo in la yeelo oo la dhaafiyo kadinka.
Hadaba shirkii kulmiye ayaa ay arin tan u egi ka dhacday sabatoo ah nin kaliya oo Muuse Biixi Cabdi la yidhaa ayaa iska maamushay. Waxa jiray dad badan oo aanu ka helin Muuse ama uu iska dhex arkay. Qaarkood ayaa ka soo safray meelo fogfog sida Waqooyiga Ameerika. Qaarkodna waxay ahaayeen kaadiriintii Xisbiga Kumiye, kor intii aanu Muuse afduuban xisbiga, ee uu ahaa xisbigii Kulmiye ee la yaqaanay ee Siilaanyo asaasay. Maanta gabigiisiiba waa la dhalan rogay. Dadkan loo diiday in ay galaan gobtii shirku ka socday ayaa badiba gaaf wareegayay goobta shirka lagu qabtay. Waxa ay baadi gobayeen kaadh ay hoolka ku galaan oo ay kadinka ku dhaafaan.
Kadinku waa kadin uu Muuse Biixi dhigtay nacamlihiisii ugu waynaa, waa xerawgii Xinif ahaa oo uu ku balamiyay inaanay fooda soo galin dakaas uu Muuse aragooda nacay, wallow ay ka tirsanayeen qaar ka soo baxay jaamacado waawayn oo aduunka caan ka ahi, balse ku taageeray hab qabiilaysan. Maanta ayaa se eedeen. cabashadoodii ayaa soo gaadhay bulshada kadib markii ay liqi waayeen waxa goobta ka raacay, marar badana ku sigtay inay ku yihdhaahdaan dadkii kaadhadhka martiqaadka sitay ee hoolka ku qul qulayay adeer gacanta i qabo oo i dhaafi. Dhacdadani waxa ay maskaxdayda dib ugu celisay maalmihii beerta xoriyada ee hargaysa. Abaalow waxba ha tarin mar hadii siyaasadii xisbiga Kulmiye ku soo gababoowday Adeer I dhaafi.
Qore: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com