Ugu Yaraan 140 Muhaajiriin ah oo ku dhintay Xeebta Senegal

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka  IOM .

 

Doontaan oo ka ambabaxday magaalada Mbour oo 100-km  koonfur ka xigta magaalada caasimada ah ee Dakar,ayaa warku intaa ku daray in ay ka badbaadeen 60-ruux, ka dib kolkii ay shilkaasi ku baxeen ciidamada badda ee Senegal ,kuwo ka socday Isbaanishka iyo kaluumeysato.

 

Mas’uuliyiinta Dowladda Senegal iyo Ururka IOM ayaa gaadhay magaalada Saint-Louis,kuwaas oo gargaar degdeg ah u fidiyay,isla markaana qiimeeyay   baahiyaha dadkii ka badbaaday Doontaasi .

Tirada dadka ka ambabaxaya Galbeedka Afrika ee tagaya jasiiradaha Canary,ayaa kordhay ,iyadoo shilkaan uu noqonayo kii ugu waxyeelada badnaa ee la diiwaan geliyo sannadkaan, sida ay sheegtay IOM.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker