Bilowgii Kooxaha iyo Aragtiyaha Xagjirka ah

Wixii ka horreeyay qarnigan 21 aad ee aynu jirno, dunida Muslimka laguma arki jirin amma waa uu yaraa qof sheega inuu diinta ka baxay amma uu la qabatimay afkaaraha fasiraadaha khaldan laga bixiyo ee kala ah Caqlaaniyada, Cilmaaniniyada iyo wixii la halmaala. In kastoo diinta Islaamku tahay tan ugu koritaanka badan diimaha oo dhan, haddana lama yaraysan karo inta qof ee kasii socota ama ka gaabisay ku dhaqankeeda.  Burburkii boqortooyadii islaamiga ahay ee cusmaaniyada, waxa la burburay guud ahaan nidaamkii bulshadii walhtigaas noolayd, waxaana abuurnay nidaamyo kala geddisan oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, siyaasadda iyo dhaqaaluhu. Halka aynu u soconno ah arrimaha diinta ayaa waxaa soo baxday fikrad diimeed cusub oo uu hoggaamiye ka ahaa Wadaad lagu Magacaabi Jirey Maxamed Binu Cabdiwahaab.

Fikradda wadaadkaasi qabay cidda raacdayna waxa lagu yeedhaa wahaabiyiin. Maxamed waxa uu ahaa mid ka mid ahaa Jabhadihii la dagaalamai jirey Dawladdii Cusmaaniyada. Ka hor dagaalkana waxa sugan in dawladdu ay dhawr jeer u musaafirsay deegaano kala duwan. Asal ahaana waxa uu ku noolaa magaalo lagu magacaabi jirey Al-Xuraym oo ahayd tuuladii uu aabihii ku noolaa oo uu in muddo ah joogay. Ayadiina waxaa laga soo cayriyay markii uu ka allifay kitaab uu ugu yeeray KITAABU TOWXIID oo uu dadkii oo dhan ku sheegay gaalo asaga mooyee iyo wixii raaca, Arrimaha ugu badan ee wadaadkaas lagu haystayna waxa ka mid ah inuu dilay Gabar sheegtay inay sinaysatay markii la wayddiyayna uu ku jawaabay inay waajib tahay inay xadka marto. Sida in badan la xussona wadaadkaas wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dadka gaalaysiiya isla markaana ah aabaha aragtiyaha xagjirka ah.

Eebbe xumo ka nasahnaaye wuxuu Quraanka ku xusay isagoo Nabiga Scw la hadlaya “” Yuhuud iyo Nasaaro ( Kiristan ) Raali kaa noqon maayaan ilaa aad diintooda raacdo’’. Saas awgeed ballankaas  ilaahay oo oofismaya ka dib gaaladu waxa ay dooneen hab iyo qaab ay ku wiiqaan awoodda iyo imaanka dadka islaamka ah, isku day iyo afkaaro badan ka dib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay labada quwadood ee maraykan iyo ruushka oo kala aaminsan labada aragtiyood ee Hanti wadaagga iyo Hanti goosadka ( Communism and Socialism) ayaa waxa dhacday in marakaykan iyo xulafadiisu ay dagaalo qaawan ku qaadaan dalka Afgaanistaan iyagoo xukunka ka tuuray koox islaamiyiin ah oo lagu magacaabo Taalibaan oo taageero ka hela ruusha iyadoo u jeedadu ahay inay dalka helaan fadhiiso ciidameed loogu talo galay la dagaalka koox xagjir oo lagu magacaabo Alqaacida.

Alqaacida waa koox is baddal doon jihadi ah kuwaas oo la aas-aasay sannadku markaa uu ahaa 1988 dalka Baakistaan, waxaana aas-aase ka ahaa wadaadka Caanka ah ee Usaama Binlaadin iyo Ayman Alsawaahiri. Ujeedka ururkan ayaa lagu sheega inay ka bilaabmatay dagaalkii uu midowdgii soofiyeeti ku qaaday dalka Afgaanistaan, saas awgeed kooxdan loo sameeyay inay la dagaalkaamaan midowga isla markaana abuuraan Khilaafo Islaami ah. Si kasta, intii lagu gudo jirey dagaalkii qabooba ayaa waxa la xusaa in sirdoonka marakayka iyo xulafadiisu ay sameeyeen kooxahan iyadoo u jeedadu ahayd inay u maareeyaan danaha ay qabaan reer galbeedku.

Intaa wixii ka dambeeyay kooxda Alqaacida waxa ay weeraro ka fuliyeel dalal kala duwan, weerarada ugu caansan ee ay qaadeenna waxa ka mid ah, weeraradii ay ku qaadeen safaaradaha marakaykan 1998 kii, weerarka argagaxa lahaa ee lagu burburiyay daarihii marakayka ee ganacsiga Septerber 11, 2001 iyo weeradii lagu qaaaday magaalu ku taal indooniisiya sannadkii 2002. Saas ageed Marakyanka iyo xulafadiisu waxa ay kooxdan u adeegsadaan cambaaraynta iyo xagjireynta dadka islaamka iyo doontooda. Madaxwaynihii marakaynka ee George W. Bush ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan dalka Ciraaq iyagoo ku eedeeyay inay samaynaynayaa Hubka Nukliyeerka isla markaana ay dawladda ciraaq ku lug leedahay garabsinta kooxaha argagaxisada.

Laga soo bilaabo wakhtigaas, aragida kooxahaas xagjirka ah waxa ay ku faafeen dunida islaamka oo dhan, Soomaaliya waxa ay soo galeen ka dib burburkii, koox lagu magaaco Maxaakimiin ayaa ka dilaacday dalka Soomaaliya iyagoo dawladda qabsaday ka dibna burburay, halkaasna waxa la dhalatay gabar hubsay oo la baxay Alshabaab, alshabaab waxa ay si cad ugu biireen kooxda tunka way nee Alqaacida. Sidoo kale kooxaha xagjirka ah waxa ay ka dillaaceen Yemen, siiriya iyo Lubnaan. Wixii intaa ka dambeeyay qof kasta oo wax ka bartay diinta waxa uu aaminay isla wakhtiganna aaminsan yahay in dunida muslimka ah lagu soo dabbaalo ku xukumidda shareecada islaamka si arrinkaas loo fuliyana waa in dagaal lala galo gaalada iyo cid kasta oo raacsan.

Fikradihii ay abuureen sirdoonka Maraykanku waxa ay dadka islaamka waxa uu u kala qaybiyeen laba kooxood oo oo kala ah islaamka qunyarsocodka ah iyo islaamka xagjirka ah, Islaamka qunyarsocodka waa islaamka ogol la tacaamulka gaalada iyo la noolaanshahooda, halka islaamka xagjirka uu yahan kan aan marnaba ogolayn in gaalo lala hadlo, sidoo kuwaas xagjirka ah waxa faafiyeen sheekada ah in xalka iyo horumarka adduunkani uu ku jiro in la dhiso khilaafo islaami ah oo dadka iyo dalkaba ku xukunta diinta islaamka. Saas awgeed badiba wadaaddada wax kusoo bartay dalaalka carabta gaar ahaan sucuudiga iyo imaaraadku waxa ay qabaan oo ay aaminsan yihiin aragtiyaha xagjirka ah oo ah in xoog iyo khasab waxa lagu muquuniyo.

Wakhtigan casriga ah ee ee tiknooniyadda iyo afkaaruhu ay xadhkaha goosteen waxa fududaatay in si sahlan afkaaraha iyo aqoonta kala duwani si xawli ah laysugu waydaarsado baraha bulshada iyo guud ahaan Internetla. Badiba bulshada qaybaheeda kala duwan waxa ay u eegyihiin kuwo ka tanaasulay oo arkaya afkaaraha xagjirka ah ha yeeshee kooxaha sida wadaada ayaa iyagu weli ku dhagan afkaaraha qalafsan. Dalka sucuudiga oo isagu isku haysta inuu yahay dalka islaamka uga masuulka ah arrimaha diinta ayaa waxa ay sannad kasta dirayaan qolaal mashaariic ah oo masaajiddo iyo malcaamado. Weli lama sheegin haayad sucuudiga iyo imaaraadka laga leeyahay oo fulisay mashruuc aan ahayn masjid amma goobaha lagu barto shareecada. U jeedadu wax kale maaha aan ahay inan faafiyaan aragtihadooda.

U fiirso ma jiro wadaad salafi wahaabi ah oo ka hadlaya afkaaraha xagjirka ee dunida ka dhaca, tusaale ahaan qaraxyada ay kooxda alshabaab ka fuliso Soomaaliya ma jiro wadaad salafi oo inna fal celin yar ka sameeya. Badiba waxa ay ka hadlaan arrimo yar yar oo shakhsi sida, dumarkii baa is qaawiyay iyo macaasi ayaa badatay.  Yaa banneeyay in la qubo dhiiga qof muslim oo waliba maati suuqa ka shaqaysta. Waa kuma qofka muslimka saxda ah ee fudaydsanaya dhibaataynta dadka jilicsan ee islaamka ah. Dhanka kale kooxaha xag jirka ee ay ugu horreeyaan wahaabiyadu waxa ay noqdeen kuwo kala kexeeya dadka islaamka, waxa ay ka dhex abuureen nacayb badan iyo is gaalaysiin, sidoo kale waxa abuurmay boqolaal kooxood oo kala huwan afkaaro xagjinimo ah, tusaale ahaan gayiga Soomaalida gaar ahaan Hargeysa waxa lagag dhawaaqay koox isku magacowday Alsaaciduun Bilxaq, kuwaas oo dhammaan dadka ku sheegay inay dib u qiraan ashahaadada.

Si kasta ha ahaatee, marka laga yimaado burburka dhaqaaleed iyo siyaasadeed ee ku ku dhacay dalalka islaamka waxa garab socday burburka akhlaaqeed iyo diimeed oo waliba mid baahsan ah, malcaamadaha oo ah goobaha ubadka lagu barbaariyo iyo goobaha kale ee labu barto shareecada waxa kasoo baxaya ubad lagu barbaariyo taariikho iyo aragtiyo xagjireysan. Tusaale ahaan wiilka yare ee dhigta mid ka mid goobaha shareecada lagu barto wuxuu aamisan in dhammaan ummadu ay baadi ku sugan tahay oo way waajib tahay in lala diriro. Tusaale ahaan wadaadada ku jooga magaalada burco ee isku magacaabay xumaan reebis, wiil iyo gabar kasta oo wada socda ayaa bilaa sabab lagu xidhaya, sidoo kale waxa dhacday inay gubeen meherad lagu caweeyo.

Wadaadka lagu magaaco Xasaan in badan waxa aynu maqalnay isagoo dad badan gaalaysiinaya isla markaana ku hadlaya hadallo aad u qallafsan sidoo kale waadaadka kale ee Umal isn in badan ayaa la arkay isagoo duraya oo fogeynaya kooxo kale, Soomaalidu waa dadka ugu daran ee kooxo diimeedyada ay collaadu ka dhaxayso. Soomaalida wax aka jiro kooxo diimeedyo badan, sida salafiyiin, Ictisaam, Ikhwaan iyo Suufiyo. Koox kasta waxa ay isu haysataa inay iyadu tahay midda waddada xaqa ah ku taagan, waxa laysku haystaana waa wax aan sidaa uga fogayn hilib geelku waysada ayuu jabiya iyo ma jabiyo.

Dunida islaamka, wadaadku qofka kale cilmiyada kale bartay wuxuu u haystaa qof gaal amma baadi ku sugan sidoo kale aqoonyahankuna wadaadka wuxuu u haystaa jaahil nool qarniyaal badan ka hor, mushkiladduna wadaadku wuxuxuu ka arrdahan yahay aqoonta casriga ee maadiga ah halka kan kalena uu ka arradan aqoonta shareecada amma diinta. Saas awgeed xalka qudha ee labadan qolo lagu dhex dhexaadin karo ayaa ah in jiilka soo barbaaraya laga dhiso aqoonta maaddiga ah iyo midda diiniga ah. Ugu dambayn dawladda waxa la gudboon oo ay masuuliyadi ka saarantahay in bulshada wacyi ahaan, aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba la dhiso ubadka loo diyaariyo manhaj baxrasheed oo dhaqankooda iyo akhlaaqdoodaba hagaajiya. Bulshadana laga dhex qabto qofka aragatiyaha xagjirka iyo kuwa khaldanba lasoo horjooga.

 

 

W/Q/; Mukhtaar Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker