Qaddaafi Maxaa Galaaftay?
Sannadkii 2009, Colonel Mucaamar Qaddaafi oo ahaa Madaxweynihii Midawga Afrika , ayaa u soo jeediyay dalalka qaarada Afrika in ay samaystaan lacag cusub oo la yidhaahdo Gold Dinar si looga madax banaanaado Dollar-ka Mareykanka.
Ujeedadu lacagta cusubi waxa ay ahayd , in dhakhliga saliida ka soo gala Afrika ay dawladuhu maamulaan , halkii bangiyada Mareykanka lacagta lagu shubi lahaa , isla markaana la joojiyo in Dollar lagu kala iibsado saliida.
Wadamada Nigeria , Tunisia , Masar iyo Angola , ayaa diyaar u ahaa in ay lacagtooda badelaan , laakiin nasiib daro bishii March 2011 gaashaanbuurta NATO , ayaa bilaabay farogelintoodii milatari ee Libya.
Qaaddafi, waxa uu doonayey in saamaynta Mareykanka ee Dollarkiisa uu meesha ka saaro , oo wax lagu kala iibsado dahabka , waxaana uu shaaciyey mashruucii lacagta Gold Dinar , dalal badan oo Afrikaan ah , ayaa diyaar u ahaa in ay ku taageeraan , waxaana riyada Afrika ay masiibo ku ahayd nidaamka maaliyada ee reer Galbeedka.
Sida ay daaha ka rogtay xogta laga helay mid ka mida 3000 oo macluumaad oo laga helay Email-kii Hillary Clinton, waxa ay NATO ay u heelanayd in la afgambiyo dawladdii Mucaamar Qaddaafi
Bilowgii bishii March, ciidamada Libya iyo maleeshiyaad dawladda daacad u ahaa , waxa cagta mariyeen mucaaradkii ka soo horjeeday , waxaana ay haysteen hub ku filnaa,si kastaba ha ahaate farogelinta reer Galbeedku waxa salka ku haysay ka hortago nidaamka lacagta midaysan ee Afrika kaga madax banaanaanaysay Dollar-ka
Nidaamkii kaligii taliska ahaa ee Qaddaafi, waxa uu dadka Liibiyaanka ah siin jiray, biyo lacag la’aan ah, shidaal jaban, caafimaad lacag la’aan ah iyo waxbarasho bilaash ahayd.
Waxa uu ahaa hogaamiye xukunka hayey 41 sanno oo haystay taageerada qabaa’ilka oo uu si wanaagsan ugu maamuay dakhliga saliida ka soo xarooday . Waxa uu tirtirtay kooxaha jihaad doonka ahaa 1990-yadii , inkasta oo uu maalgeliyay kooxo ka dagaalamay gobolka Saaxil , Libya waxa ahayd dal xasilooni .
Iyada oo si wanaagsan loo maamulay dakhliga saliida , ayaa Libya waxa ay kaydsatay boqolaal tan oo dahab ah , sida ay baahisay shakabedda Wikileaks , waxa wadankaasi haystay 144 tan oo dahab ah, iyada oo Libya ay taasi ka dhigtay wadanka dhaqaale ahaan ugu saamayn badan Afrika ..
WQ: Maxamed Boosh