TUUGTA CASRIGANOO ISU EE KAYSIISA : DAD DALXIISA AH AMA QAAR MAAL GASHI U SOCDA AMA JAGO WASIIRNIMO IIBSADA

Waxaynu caadaysanay inaynu reer galbeedka saarno arin kasta oo khaldan oo dhaca ama aynu nidhaahno iyagaa ka danbeeyay ama ku lug leh .

 

Waxaynu kaloo rumaysanahay inaynu  iyaga isku halayno iyo HAY ADAHOODA dawarsiga qaybiya .
Waxaynu kaloo rumaysanahay inay iska keen saray siiyaan ama inaga caqli badan yihiin  iyo  weliba inaanay xuquuqdeena aanay inoo ogolayn  iyo qiimaha aynu mudanahay inaanay inoo ogolayn .
Arimahaas wax badan ayaa ka jira , laakiin dhinac kale hadaynu ka eegno ( iska taagno ) .
Waxa aan ladafiri karin , sida wayn ee ay NILSOM MANDELA u qiimeeyeen ee ay cirka u gaadhsiiyeen isaga oo ah nin madaw oo qaaradda AFRICA u dhashay , noloshiisa inteedii badnayd xabsi ku soo qaatay , waxaanay u qireen inuu yahay INDHEER GARAD SIYAASADEED oo MUFAKIR AH , kamay war wareegin inay siiyaan MIISAANKA – XAQUUQDA iyo karaamada uu bulshada dunida dhexdeeda ku leeyahay .
Halgamihii la odhan jiray GANDI  markii uu dalka ingiriiska soo booqday waxa dhacday inay wadooyinka oo dhami is xidheen oo ummaddii ingiriiska ahayd oo dhami u soo baxeen iyagoo magaciisa ku wada dhawaaqaaya .
MAHATMA GANDI oo ahaa nin ingiriisku aad u neceb yihiin oo aad iyo aad na ula dagaalamay kana xoreeyay dalka Hindiya .
Geesi isma qariyo cid kastaana way jeceshahay .
HADABA INAGU MA XASUUSANAHAY GEESIYADEENII QIIMAHA WAYN NOLOSHEENA MAANTA KU LAHAA SIDII ( XAAJI MUUSE IGARE – MAXAMUUD AXMED CALI- SHEEKH BASHIIR – IYO QAAR kale oo badnaa . ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee ) .
Laakiin maanta waxa timi tu kale oo layaab leh : oo tii geesiyada bedeshay .
WAA TUUGTA CASRIGAN OO HOGAAMISA XUKUUMADAHA DUNADA SADDEXAAD . kuwaas oo wadamadooda noocyo kala duwan u xada .
kuwaas oo isu ee kaysiiya inay yihiin : QOOM DALXIISA oo soo xagaa baxay ama QOOM MAAL GASHI U SOCDA  oo doonaaya meel ay maal gashadaan , ama QAAR KALE OO JAGOOYIN SARE IIBSADA ( WASIIR -WASIIR KUXIGEEN – MAAYOR- XILDHIBAAN BAARLAMAAN – XILDHIBAAN GOLAHA GUURTIDA  – MAS UUL HAY ADEED –  GUDOOMIYE XISBI MUCAARAD – MURASHAX MADAXWAYNE – IYO XILAL KALE OO SARE )
Kabacdina xoolihii ka baxay waxay dib ugala soo baxaan hantida lagu aaminay ee qaranka .
TUUGTII askartii s bare dalka hantida ay dadka iyo dalka ka xoogaan kalamay dhiifi jirin ee way ku dhex baa bi in jireen .
Laakiin TUUGTA CASRIGANUWAXAY KA SIMAN YIHIIN : HADDAY MADAXWAYNE TAHAY AMA WASIIRO-…………………… .
Inay hantida dalka iyo dadka ba boobaan intay xilka hayaan  , debedahana u dhoofsadaan (DOLLAR KA) ( aasaarta dalka  suuqa madaw ku iibiyaan ) , kabacdina ka daba dhoofaan marka xilka laga qaado  ( arinkoodu waa ka ururso inta aad meesha joogto ).
Waxa musiibo wayn ah TUUGTAN intooda badani waxay sitaan (PASSPORT) BAASPOORO AJINABIYA ,  XAASAKOODII IYO CARUURAHOODU BA DALAL KALE AYAY KU NOOL YIHIIN, dalkana way u soo boob tageen .
Qaarkood hadday is yidhaahdaan cid caawi , qof debedaha ku nool ayay wax siiyaan  oo xataa ma oga in dad masaakiin ah oo baahani dalkan ku nool yihiin .
BAL ADBA U FIIRSO .
Qoomkan xukunka dalka (SOMALILAND ) HAYA : ka bilow min madaxwayne ilaa wasiiro- maayiro – xildhibaano baarlamaan – xildhibaano gole guurti  ( oo ganbooyinkii masaakiinta laga soo guray london iskaga soo daweeya , ma dawaynaysaa oo dawo ma u noqonaysaa ? – gudoomiye xisbi mucaarad ku sheeg (mishiinka cayda ) magaranaysaa ? -.
BAL QOOMAMKAN DHAN EE U SOO BOOBKA TEGEY CASHUURTA ISLAANTA BACADKA FADHIDA DAY ??? IYO ADAYGA REER MIYIGA AH EE NEEFKA SOO IIBGEYSTAY ???
ILAAHAYAW TUUGTAN IYO MUNAAFIQIINTA IYO CALOOSHOOD U SHAQAYS TAYAASHAN U SOO BOOBKA TAGAY UMMADAN MASAAKIINTA AH KA QABO ADAA DADKA U KALA XAQ QAADEE .
SHACABKANA WAXAAN KU LEEYAHAY , YAYDAN AAN NAXAYN ISKA QABTA OO ARKA OO MEEL UGA SOO WADA JEESTA .
WABIL LAAHI ALTAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI
                caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker