Munaasibadda Qalin-jebintii tobnaad ee Jaamacadda Burco Hurinta gu’ga (2020)
Ilaahay baa mahadleh igu simay in aan erey ka idhaa, munaasibaddii qalin-jabinta ee jaamacadda Burco, gaar ahaanna ereygii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka yidhi. Waxa aan hore u daawaday 26 khudbad qalin-jabineed oo jaamacado kala duduwan ah. Sidaa darteed waxa aan rumaysanahay in ereyga aan khudbadda Madaxweynaha ee munaasibadda qalin-jabinta ka odhanayaa uu xog ku dhisnaan doono.
Hadalka madaxweynaha waxa aan ka fahmay in aanu fahansanayn ujeedka rasmiga ah ee hadalka luugu soo maamuusay. Dooddaydaas fahanka madaxweyaha ku saabsanna saddex qodob oo hoos ku xusan ayaan u cuskan doonaa.
Ereyga ugu wanaagsan ee madaxweynuhu goobta ka yidhi waxa aan ku tilmaami lahaa; “Mar haddii aad shahaado jaamacadeed qaadateen waxa idin fuulay xil qaran.
Taajirka weyn ee Bil Gate la yidhaa oo shirkadda Microsoft yagleelay sannaddii 1975, oo ahaa arday ka saaqiday waxbarashada ayaa saddex iyo sodon sanno kaddib oo ku beegan (2014) ka qalin jabiyay isla jaamacaddii uu ka saaqiday ee Hardvard. Waxaana lagu soo casuumay in uu munaasibadda qalin-jabinta ee dufcaddii gu’gii (2007) hadal ka jeediyo. Bal hadda ba aan Bil Gate iyo Muuse Biixi oo isku arrin ka hadlay, aan is-barbardhig ku sameeyo’e Bil Gate wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan:
“Waxa aan ahay saaqidkii guusha ugu weyn gaadhay ee ka saaqiday dugsiga baayac-mushtarka ee jaamacadda Hardvard. Waxa aan ahay qof saameyn xun taariikhdiisu dadka ku yeelan karto, maadaama aan waxbarashadii ka saaqiday. Sidaa darteed, ayaan uga gaabsanayaa in aan wax ka idhaa dariiqii noloshayda, sababtuna waa in ay keeni karto in arday badani waxbarashada ka saaqiddo. “
Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu yidhi;: “ Shaqada dadka ayaa abuura, kuwaas oo laba nooc kala ah;
1. Qof Alle caqli badan u dhaliyay oo aan u baahnayn in loo kordhiyo. Dadka tujaarta ah ee imika innaga shaqada inoo abuura ee aad wada garanaysaan midna wax ba ma baran. Midna wax ba ma qoro. Saddexda nin ee maanta la yidhaa, way igu lacag badan yihiin, waxa ka mid ah;
Ibraahim Dheere, Jaamac Oomaar, Maxamed Siciid Ducaale “Dahabshiil” Midna Iskuul muu tagin, midna qalin iyo warqad muu qaadan. Haddana waxa aad aragteen ayay sameeyeen, waa dad ilaahay mawhibo u siiyay. Qofkaas oo kale shaqo uu abuuri karaa.
2. Qofka kale na waxa weeyaan qof aqoontiisii ka faa’iidaystay oo fakerrad isagu keenay. Maadaama ilaahay xilkaas inna saaray oo aan khaliifatul-ardi nahay, intaas oo tacab ahna la inna geliyay qofku waa in uu fakeraa oo uu qaranka shaqo u abuuro.“
Haddii aan qodobka koowaad is-dultaago waxa haydh-haydh iga galay in madaxweynuhu khalad fahansan yahay arrimahan;
I. Ujeedka tacliinta ama sababta ugu weyn ee wax loo barto in ay tahay adduunyo in lagu helo oo sida uu madaxweynuhu hadalka u dhigay in haddii aanay tacliintu lacag dhalin aanay qiimo lahayn.
II. In tacliintu kordhiso garaadka sidaa darteed qofka kale ee Alle hibo u siiyay garasho wanaagsan aanu kaabis uga baahnayn cilmiga. Caqliga iyo cilmigu sida ay isku saameeyaanna waa arrin wax badan laga yidhi dhigaal badanna laga sameeyay oo iyada waad heli kartaan ku dheeraan maayo.
III. In uu arday yar oo hadda qalin-jabiyay ku canaanto in ay shaqo abuur sameeyaanna, waxa aan halkaas na ka leeyahay qofkii ugu habboonaa, ee fursadaha ugu badan haystay ee shaqo abuuri lahaa mudane madaxweyne waa adiga. Sidaa darteed iima muuqan sabab aad dhallinyarta ugu maagto sidii ay shaqo u abuuri lahaayeen. Erey ahaan waa daw in ardayda lagu booriyo sidii ay shaqo u abuuran lahaayeen, hasa yeeshee, adigu ma tihid qofkii ku habboonaa ee ereyga odhan lahaa. Sababtuna waa in adiga shacabka oo ardayda qalin-jabinaysaa ugu horreeyaan kuu doorteen in aad maarayso mashaakilaadka ay shaqo-la’aantu ugu daran tahay.
Hadda ba haddii aan si kooban u dhigo wixii aad ku ololaysay ee laguu doortay in aad wax ka qabato, adiga oo ku canaananaya cid kale oo arday ah, aniga waxa ay iila muuqataa wax aan la fiirsan karin. Haddii hadalkaagaas aan ka jawaabi lahaana waxa aan odhan lahaa; Mudane Madaxweyne shaqada aad adiga oo halkii ugu sarreeyay ee ummadda laga hoggaaminayay abuuri kari weyday, ardayda ha ku canaanan.
IV. Ujeeddada madaxweynaha luugu maamuusay munaasibadda qalin-jabinta in uu hadal ka jeediyo in aanu fahmin ayaa iiga soo baxday, haddii aan xasuusin lahaana waxa aan odhan lahaa saddex qodob ayaa looga gollahaa in aad ardayda la hadasho;
1) In aad dhiirri-gelin siiso.
2) In aad uga xog-warranto suuqa ay u baxayaan hadda ee shaqadu uu yahay mid dedaal iyo karti dheeraad ah u baahan. Sidaa darteed, samir iyo dhabar-adayg looga baahan yahay. Ugu dambaynna u hogo-tusaalayso in aan noloshu hadyad ahayn ee halgan tahay. Haddii aad murti ku qotomi is tidhaana ku halkaas ku habboon waxa ka mid ah; “ Lama helo wadaadoow waxaan cidi ku hawshoone,
Naftaa loo hantaaqaa, waxaad hiigso leedahay.” Tima-cadde.
3) In aad hir u sawirto ay hiigsadaan.
Ugu dambayn waxa si cad uga muuqata khudbadaha Madaxwaynahu ka jeediyo munaasibadaha sidan oo kale ah ama kuwa qaranka ee lagu soo marti qaado in aanay ahayn khudbado waqti la galiyay oo aan laga fikirin miisaanka ay leeyihiin. Islamarkaa waxa kasoo baxaysa halkaa in hawl-wadeenada Madaxwaynaha u qaabilsan arimahani aanay u diyaarsanayn shaqadan.
WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham