Maxaysatada Siyaasadda Soomaalilaan. Ujeeddo badan.

Madaxdii dowladda waxaa isha ku haya dhalinyaro wax basaasa oo u dhigma xisaabiyaha idman oo aan libiqsanayn, waa sidii xukuumaddii kacaanka, madaxdu way la sii jeestaan marka ay xanjo afka gelinayaan. Inamadu waxba ma maqlaan, kursiga kama kacaan iyaga oo wax qooraansanaya mooyee, waxaa lagu xantaa ‘ yaryarka dalbaha leh.’

Odaygan magiciisu waa jab Libaax, xisbigii uu ka tirsanaa wuxuu kala daatay, markii lagaga adkaaday doorashadii ugu dambeysey ee uu xil qabtay. Meesha wuxuu u joogaa in uu hor fadhiyo xisbiga ay beeshiisa iyo isaga laftiisu taageero ku filan guusha madaxtooyada u waayeen doorashadii u dambeysey. Hore wuxuu u lug gooyey xisbigii uu kula shuraakoobey laandheerenimada iyo danahiisa shakhsi. Inkasta oo ay jiraan faq iyo balan hoose oo uu naftiisa la galay, hadana Odayga wataa, weli ma Indho darayn, wuxuuna si foojigan u il baadinayaa dhaqdhaqaaqiisa iyo dhuumashooyinkiisaba. Is aaminku wuxuu noqday sheeko iyo beri.

Waxaa jirta warqad cinwaan looga dhigo “Madaxweynaha oo diyaarinaya isku shaandhayn golaha xukuummadda” waxay soo baxdaa dhowrkii biloodba mar, waxayna soo toosisaa asxaabta godka ee rajo dhigtay, waxayse ku dambaysaa in dhowr ma quuste sawirka lagu buuxsado dabadeedna la fasaxo.
Ujeeddada loo kala wado Maxamed iyo Maxamuud, waa sidii loo kala irdhayn lahaa is ogosha labada bahood ee ay wadajirkooda wax ku noqon lahaayeen, mid waxaa loo qoondeeyey sidii loo bari lahaa badhaq nugeyl aan suurto gal ahayn, iyadoo loo soo marayo hogaanka Socdaalka iyo Sirdoonka qaranka, kan kalena waxay bishu hortiisa iman, marka hoggaamiyihiisu cid u codaysaba waayo. Dadweynuhu way ka daaleen maamul aan hal abuur lahayn, oo hoggaan ciidan leh, kolkii horeba waxaa lagu liqay arrin dhaqan iyo balan la fulinayey. Badheedhaha shacabku wuxuu soo afjari doonaa, taariikhda Soomaalilaan shantii sanaddood ee abid Askari xukumo.
Ninkan Inanta dhulka ku haysta, ee marka guddi xaqiiqo raadin ah la soo diraba, guriga kale ee waddada soo galay tusaya, waa nin Diinta la isku sawiro iyo khiyaanada ku cirraystay, Shiikh Khaliil baa la dhacay Muslimnimada ka muuqata, kaaga daranne macangegnimo, shan nin waddada ugama kaco, waaba kii oo gardarada garab u helay. Waanu iska aamusi lahayn, haddii uu magaalada noogu samayn lahaa calaamad qudha oo badhtamaha Burco ama waddada Howdka ishaaraysa ama hadduu tobonaanka haldoor ee reer Togdheer uu si uun u weyneyn lahaa, inay halkani tahay magaaladoodii, si ay dhalinyarada hamigooda u koriso. Tolow miyaanay arkayn hebelada iyaga oo aan filayn, diyaarna ahayn, ka hoydey adduunka, iyaga oo aan cidina u sii digin. Gafanuhu himiladiisa ma ku gaadhayaa kala guridda Maxamed iyo Muuse? Ma ku guulaysan karaa isagoo raacaya qaaciidada macalinkiisu u soo dhiibey? Maya.
Labadii Xisbi mucaarad oo midba kan kale ka xigsanayo xukuumadda, si murashaxoodu ugu xigo xilka madaxtinimadda ama aan xisbigoodu ugu soo bixi waayin Ururada haddii la furo. Waxba kama ay korodhsan, kal hore iyo farsamooyinkii Kulmiyihii hore. Mucaarad kulul ayaa guuleysta, la isma baryo, axsaanna ma jiro Siyaasadda. Waxaan amaanayaa siyaasiyiinta C Geeljire, Xirsi Cali iyo C Daamur.
Waddada Oodweyne waxay ka hir geli weydey koox fahmo yar, munaafaqnimo badan, oo aaminsan, haddii la isku xidho Burco, Oodweyne iyo Hargeysa, in degmada Shiikh iyo inta sii xigta Berbera ay ka lumayso fursado dhaqaale, iyaga oo aqoon gaabni garan la’, in aan Berbera marnaba looga baqayn in ay kobocdo oo barwaaqaysato.
Sidee ayay reer Soomaalilaan u aaminayaan wax wada lahaansho? haddii Muwaadinka ka yimaadda Sool ama Sanaag lagu kadeedo safarrada ay ku tegayaan Caasimadda dalka, haddii hay’adaha amnigu ay soo jactediyaan, joogsiga Bari ee magaalada Shiikhna cago jugleyn iyo baadhasho loogu daro, dad wax wada leh tacadigaasi miyuu qabtaa?

Hadday wada eexo tahay, hadday dabin aasan tahay,
Shil iyo wada eeso tahay, hadday wada aano tahay,
Hadday agaraa dam tahay, addoonsigu diin u yahay,
Hadday orgobbaysan tahay, iimaanku ka qoomanyahay,
Hadday abnawaasad tahay, afduub iyo beeno tahay,
Hadday wada aniga tahay, siyaasadi aabe ma leh.
Waa mar kale, maansadii Awaal tiris iyo filasoof Hadraawi.

.

Bashiir Tarabbi Oogle,
Caynaba, Soomaalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker