Madaahibta iyo Soomaalida
Madaahinta kala duwan ee islaamka sunniga ahi uu u kala baxo Soomaalida waxa ay ku keeneen khalkhal iyo is fahan la’aan ka dhex dhalatay wadaaddada iyo goobaha lagu barto shareecada. Badiba wadaaddadu waxa ay wax kusoo barteen meelo kala duwan ha ugu badnaato waddamada Khaliijkuye sida Sucuudiga iyo Yemen. Dunida Muslimka marka soomaaliya laga tago waxa ay leeyihiin hal madhab oo qudha, kaasoo lagu dabaqo guud ahaan wixii shareecada la xidhiidha. Halka Soomaalida laba masjid oo isku xiga midna bisinka kor loo qaado midna hoos loo dhigo.
Sidaas oo kale, laba machad oo suuqa ku wada yaalana ay kala dhigaan laba mad-hab oo kala duwan sida Shaafici iyo Xanafi. Labada wiil ee kala digtay labadaa mad-hab marka ay suuqa isugu yimaaddaan waxaad arki iyagoo ku murmaya hilib geelku waysada ayuu jabiyaa iyo ma jabiyo ama adoo salaad ku jira hadday gabadhi ku hor marto salaaddu way kaa bureysaa. Maxaa yeeley, midkoodna looma dhigin in labada imaam ay ku kala aragti iyo fahan duwan yihiin masalada ay ka doodayaan.
Wixii ka horreeyay burburkii xukuumaddii uu Madaxwaynaha ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre Soomaalidu kaliya waxa ay raaci jireen mad-habta Shaaficiyada. Wakhtigaa ka dib waxa Soomaalida kusoo qulqulay xagjirro diimeedyo badan oo sucuudiga gadhwadeenka yahay, iyadoo Soomaalida ay aafeeyeen abaaro, dagaallo iyo macalluul baahsan ayay iyaguna Masaajiddo innoo dhisayeen. Soomaalida badiba dadka barta shareecada waxa ay wax kusoo barteen waddamo kale sida Masar, Sucuudi iyo yemen. Markii ay dalka kusoo noqdaan saddexdaa qof ee saddexda waddan ka kala yimi in ay la yimaaddeen saddex mad-hab oo kala geddiisan. Arrinkaasna wuxuu keeney inay abuurmaan kooxo faro badan oo heerkeedu gaadhay inay masaajiddii kala yeesheen oo aanu midna kan kale masjikooda ku tukan.
Dalalka Turkiga, Marooko iyo Malaysiya wasaaradda arrimaha diinta ayaa daabacda manhajka shareecada sidoo kale iyada soo qorta mawduucyada jimcayaasha laga jeediyo masaajidda, Soomaalida maahane waddan kasta oo Islaam ah hal hab qudha ayaa laga adeegsadaa si looga fogaado muran iyo is qabqabsi la xidhiidha arrimaha diinta. Dalka Marooko ardeyga doonaya inuu shareecada kasoo barto dal kale wuxuu ku khasban yahay inuu Masar yimaaddo maxaa yeeley Mah-hadbka laga adeegsado dalkiisa ayaa kan kale la mid ah. Muddo aan fogeyn Wasaarradda Arrimaha Diinta ee Soomaalilaaan ayaa waxa ay daabacday Manhajka Madarasadaha. Waxa isku qabqabsaday wadaaddada kala sita madaahibta kala duwan. Ilayn mid kasta waxa ku mudan kuu isagu bartaye. Si kastaba wakhtigan waa goortii Soomaalida lagu soo celin lahaa mad-habtii ay waligood haysteen. Tani waxa ay sahlaysaa in shareecadu noqoto mid fudud oo waxa laga tanaasulaya is barbardhigga madaahinta iyo waxa ay ku kala fahan duwan yihiin.
Dhanka kale, dunida Muslimka cidda u gasha maxaadirooyinka iyo barnaamijtada kale ee diiniga ah waa dad aqoon baahsan u leh shareecada, halka innaga mid dhawr kitaab loo laqimay uu galay booskii dadkii ka mudnaa. Ugu dambeyn cid kasta oo baratay shareecada waxa looga fadhiyaa inay mideeyaan madaahibta lana go’aamiyo mid qudha oo guud ahaan lagu dabaqo goobaha waxbarashada iyo guud ahaan arrimaha shareecada.
WQ: Mukhtar Ahmed