Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Roobab Mahiigaana Oo Hargeysa Ka Da’ay

ALLE ha u naxariistee shan qof ayaa ku dhintay, Sagaal qof oo kalena waxa laga badbaadiyey daadkii ka dhashay roob xoogle oo caawa ka da’ay magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda, sidaasna waxa shaaciyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta Qaranka kula hadlayey Magaalada Hargeysa.

Sida lagu soo  waramay    Laba qof ayaa  ku dhinteen markii Laydh ku qabsaday xaafadda Sheekh Madar ee caasimadda Hargeysa, halka saddex qofna ay ku dhinteen Baabuur daad qaaday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed wuxuu intaas ku daray in sagaal qof ciidammada Booliska iyo kuwa dabdamisku ay ka badbaadiyeen daad qaaday.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa inay ka fogaadaan meelaha biyo mareenka ah si looga hortago mashaqo ka dhalata xiliga roobku da’ayo.

Maxamed Kaahin Axmed wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen shanta qof ee ku dhintay roobkii caawa ka da’ay Magaalada Hargeysa.

Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ammaanay Ciidammada Booliska iyo kuwa Dabdamiska oo gurmad laxaadle ka galay samato-bixinta dadkii roobku khasaaraha u geystay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa Gaadiidleyda faray inay banneeyaan jidadka magaalada ee ay marayaan gaadiidka ciidammada ee gurmadka ku jira. Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen shanta qof ee dhintay, waxaanu dadweynaha ku booriyey inay baneeyaan meelaha biyo mareennada ah.

 

Masuuliyiinta kale ee gurmadka ka galay khasaarihii ka dhashay roobkii caawa ka da’ay Hargeysa waxa mid ahaa Wasiirrada Warfaafinta, Hawlaha Guud, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex iyo Masuuliyiin kale.

 

Halkan hoose ka daawo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker