Sheeko gaaban: Shaqo raadis
Waa sannadihii aan ku cusbaa shaqo tagga, waxan ahay nin dhalinyaro ah oo baahi u qaba dejinta yoolal badann, leh xidhiidh dhow dadka ugu badann e bahwaynta samafalayaasha ka shaqeeya xafiisyada gargaarka una badann dadka Somaalida ah, asxaabtaas badankooda oo aan ku qabay kalsooni badan heerka xidhiidhkayaga.
Maalmahaas waxan ka shaqeeyaa xafiis samafal oo aan ka ahay qof jooga mansab shaqo hoose, maankayga waya ka dhex guuxaya inaan beddelo mansabka iyo xafiiska labada ba, waxan bilaabay codsiga shaqooyin kala duwan anoo marayaa waddada saxda ah, taasoo muddo qaadatay isla markaas abuurtay niyad jab xooggan, nasiib darro se ma dareensanayn inay kala waynyihiin dhigaalka khibradayda (CVga) iyo mansabka aan codsado/doonayo marka laga eego dhanka sannadaha khibradayda iyo garsho la’aanta iswaafajinta nooca shaqo, dhibtaas oo ilaa maanta aan ku arko dhalinyaro badann oo shaqo raadis ah.
Maalin maalmaha kamid ah ayaan arkay shaqo xafiis soo bandhigay, mansabkaas oo ahaa mid uu abuuray nin aan aqoon isku leenahay waana mansab u rabay inuu kaga nasto culayskii shaqo isla markaas u helo qof karti leh iyo aqoon, waxayse ahayd mansab u baahan takhasus gaar ah taasoo ka duwanayd khibraddayda iyo aqoonta aan bartay.
Farxad ayaa ilasoo daristay anoo ku kalsoon dadka ay saaxiibka yihiin iyo aaminaada u iga haysty masuulkaasi, waxaana bilaabay inaan olole musharax oo kale qaaday anoon marnaba maankayga kusoo dhicin inaan iswaaydiiyo inaan ka bixi karo waajibaadka mansabkaas iyo inaan ahay shaqsi khibrad ama aqoon u leh shaqadann.
Maalmahan ololaha ku jiray ayaa mid kamid ah asxaabtayda igu yiri “hadaad calaf ku leedahay waad helaysaa” kelmaddan sagrasho ayaan u arkay anoo dhibsanaya saaxiibkay! Waxaana sii laba jibbaaray ololihii mansabkaas anoo illaabay gebbi ahaan ba hanaankii saxda ku ahaa xafiiskaas shuruucdiisa iyo kala dambaynta nidaam e u taala xafiisyada samafalka ee caalamiga ah, ummana dhaqmin sidii qof wax soo bartay ama soo shaqeeyay taasoo abuurtay in ninkii masuulka ka ahaa aqbalay inuu tixgaliyo raadintayda layga damaanad qaaday inaan kusoo fadhiisto kursigaas.
Taas waxa gaashaanka u daruuray calafka, waxaana ku guul daraaystay shaqadii waxaana hantay qofkii calafka ku lahaa kaddib markii imtixaan la qaaday.
Arrinkaasi waxa uu niyad jab ku keenay damacaygii iyo qorshahaygii aan niyadda gashaday, anoo garab marsann qoraalka Alle iyo fahanka inaan bani aadamku ahayn cidda leh go’aanka calafka.
Habeenimadii dhacdadu i asiibtay, anoo cagaha jiidaya waxaan ku tukaday masaajid ku yaala magaaladii aan u soo safray si’aan uga shaqeeyo helitaanka iyo raadinta shaqadaas, laakiin waxa u ahaa damac aan samada laga soo ogolaan, nasiib wanaag imaamka masaajidka ayaa waxa uu akhrinaya aayad Quraan ah oo leh micno ahaan “risiqiinu waxa u jiraa Samada, ma waxaad ka eegaysaan meelo kale” aayadani waxay bedeshay guud ahaan xaaladii aan ku jiray, waxaan yaqiinsaday halka u baahann inaan la yeesho xidhiidh dhow. Fikir iyo iswaanin kaddib, waxaana xasuustay saaxiibkii igu lahaa “haddaad calaf ku leedahay waad helaysaa” anoo u arkayay dheeldheel laakiin maalintaas noqotay xaqiiq biyo kama dhibcaan ah oo aan hareer maray.
Wixii maalintaas ka dambeeyay waxaan ogaday in bani aadamka uu yahay waddo wax laguu soo mariyo laakiin adiga lagaa rabo inaad is qiimayso, kaddib tacab naftaada galiso, aaminto rabbigaa adoo markasta wixii kuu qoran aanay ku seegayn.
“Haadka samada duuliyo diinku ba u siman calafka”
Dhalinta soo kacaysaa waa inaay fahmaan taas, naftooda dhisaan isla markaas isku dayaan inaay iswadaan, madaama maanta nidaamka shaqo raadinta aad ka dhugan karto aaladda tiknoolajiga sida Google.com adoo og waxaad ku wanaagsantahay iyo khibradaadu intay gaadhsiisantahay mansabka aad codsanayso, isla markaas ugu yaraan maalintii waa inaad dirtaa codsiga hal shaqo laakiin ku taxaluqda aqoontaada iyo khibradaada.
Ugu dambayn, Rabbigaa aamin oo qofna haku xidhin shaqo raadintaada sidookale marti ha uga noqon qof kale, waxa laga yaabaa calaf aan kuu qornayn inaad qof miskiin ah ugu cadhooto ama qalbigaagu rajo uga dhigto.
“Aqoontu wa inay ku xoraysaa maan ahaann iyo miyir ahaan ba, kaa xoraysaa liidka nolosha oo dhann”
Xasan A. Shire