Laacib Muhiim u ah Man United oo laga yaabo in La Karantiimeeyo
Bruno Fernandes ayaa halis ugu jira in lagu qasbo inuu galo karantiil oo uu afarta ciyaarood ee soo socda ee Manchester United uu ka maqnaado, kaddib markii uu qolka lebbiska la wadaagay Cristiano Ronaldo oo uu xanuunka halista ah ee Korona Fayras ku dhacay.
Ronaldo ayaa shalay la xaqiijiyey inuu helay Korona, waxaanu seegayaa kulanka UEFA Nations League ee waddankiisu la ciyaari doono Sweden, isla markaana muddo 10 maalmood ah ku jiri doona karantiil, taas oo sidoo kalena saamayn ku yeelan karta ciyaartoyda ay xulka ku wada jiraan.
Saacado ka hor intii aan lagu dhawaaqin in Ronaldo uu qabo xanuunka ayaa waxa uu qayb ka noqday dhamaan xiddigaha xulka oo wadaagay casho ay kaga nafisayeen barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay la galeen France habeenkii ka horreysay.
“Cristiano Ronaldo waxa laga sii daayay tababarka xulka qaranka kaddib markii laga helay Covid-19, mana waajihi doono Sweden. Laacibka reer Portugal wuu fiican yahay,
kamana muuqdaan calaamado, waxaanu geli doonaa karantiil.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Portugal.
Xanuunka ku dhacay Ronaldo ayaa waxa uu halis weyn gelinayaa Manchester United oo ay suurtogal tahay inay waayaan afarta ciyaarood ee soo socda saddex ka mid ah xiddigaheeda tiir-dhexaadka ah oo ay ugu horreeyaan Bruno Fernandes iyo Paul Pogba.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa wadnaha farta ku haya, waxaanu ka baqayaa in Fernandes oo si aad ah ugu dhowaa Ronaldo uu ka qaadi karayo xanuunkan,
Balse xataa haddii aanu ka qaadin ay jirto khatar kale oo ah in dawladda UK ay ku qasabto inuu galo karantiil 14 maalmood ah maadaama uu waddan dibadeed kasoo laabanayo, mid ka mid ah saaxiibbadiisa ay isku dhowaayeenna uu xanuunkani ku dhacay xilli ay waliba goob ku wada sugnaayeen.
Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriisku, Bruno Fernandes ayaa waxa halistan la wadaagaya Paul Pogba iyo Anthony Martial oo laacibka reer Portugal xidhiidh taabasho la yeeshay kulankii Portugal iyo France ee Axaddii,
Taas oo iyagana gelin karaysa liiska shakiga iyo in lagu soo rogo karantiilka UK u dejisay dadka ka imanaya dibedda oo muddo 14 maalmood ah is-go’doomin la geliiyo.
Warkan naxdinta leh ayaa Solskjaer uu helayaa xilli ay kusoo fool leeyihiin kulamo xaasaasi ah oo ay ugu soo horreyso Newcastle United, ayna kusii xigayso PSG oo ay Champions League isku haleeli doonaan ka hor inta aanay Chelsea foodda is gelin