Bulshada Caalamku Waa Inay Aqoon Sadaan Kala Tagga Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (OWN)   Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Qaaradda Afrika Sanadihii 1989-1993 Danjire Herman J. Cohen,

 

Ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay noqdaan Waaqiciyiin oo ay aqoonsadaan kala Tagga Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

Danjire Cohen ayaa qoraal kooban oo uu 10-kii October, 2020 ku qoray Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inaan la is garab dhigi karin.

 

 

“Jamhuuriyaddii Soomaali waxa gumaystay Talyaaniga, Somaliland-na Ingiriiska, labaduna xorriyad ayay heleen si dhakhso ahna waxay u midoobeen 1960..

 

Ayuu yidhi Danjire Cohen, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waxay u go’day si ay u samaysato Dawlad Madax-banaan, waa laba aan gebi ahaanba la is barbar-dhigi karin..”

 

 

Dublamaasigan Maraykanka ahi isagoo la hadlaya Beesha Caalamka wuxuu  yidhi  “Beesha Caalamku waa inay noqoto Waaqici oo ay aqoonsadaan Kala Taggaas (Somaliland iyo Soomaaliya)…”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker