Waa Maxay Dhinaatada ka Dhex Taagan Muslimiinta Iyo Hinduuga Dalka Hindiya
Waxaa xayeysiinta ka muuqday xaflad ay gabadh haysata diinta Hinduga u diyaariyeen dumaashiyaasheeda oo Muslimiin ah.
Dadka ka soo horjeestay ii dhehda waxay sheegeen in ay dhiiragelineyso “jihaadka jaceylka”. Waa ereyo ay xagjiriinta Hindu-ga ah ku eedeeyaan ragga Muslimiinta ee guursada gabadhaha haysta diinta Hindu-ga, ka dib marka ay Muslimiyaan.
Ururada u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in isu dulqaadashada dadka haysta diimaha kala duwan iyo isdhexgalka ee dalka Hindiya ay halis wayn ku jiraan.
Guurka dhexmara Hindu-ga iyo Muslimiinta waxay ahayd arrin muddo ay dood adag ka taagnayd.
Si kastaba, ereyga ujeedada fog leh ee dhibka keeni kara – ee “Jaceylka Jihaadka” – waa mid dhowaanahan bilowday oo cusub.
Koox mayil adag oo baraha bulshada adeegsata ayaa hoggaaminayay dalab ah in shirkaddaas dahabkeeda aanan la iibsan. Waxayna noqotay arrintii loogu hadal haynta badnaa ee Twitter-ka.
Sidoo kale, dad kale oo badan ayaa ku soo biiray oo cambaareynayay hadallada gefka iyo xanafta leh ee ay soo qorayeen qaar ka mid ah dadkii aragtida isku dhaafsanayay Twitter-ka.
Xayeysiiska oo YouTube la geliyay waxaa lagu sheegayay: “Waxay guursatay qoys u jeceyl sida carruurtooda. Iyada darteed ayey u bexeen si ay ugu dabaaldegaan xaflad aysan iyaga weligood sameysanin. Waa kalgacayl dhexmaraya laba diin, dhaqan iyo caado oo kala duwan.”
Ii dhehda oo 43-ilbiriqsi ahayd, waxaa lagu xayeysiinayay dahabka loo garanayo “Ekatvam” (oo micnihiisu yahay midnimo) – balse markii dambe waa laga saaray baraha bulshada Tanishq.
Shirkadda oo markii dambe soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in ujeedada ay ahayd dhiiragelinta isdhexgalka diimaha kala duwan, balse ay dib ula noqotay ii dhehda ka dib “falcelin adag oo kala duwan oo ka dhalatay” oo ah in wax kale ay horseeday, taas oo ay ku tilmaamtay “arrin lid ku ah ujeedadii laga lahaa xayeysiiska”.
Shirkadda waxay sheegtay in go’aanka dib u celinta ii dhehda uu la xiriiro badqabka shaqaalaheeda iyo dadka iskaashatada la ah.
Xildhibaan ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Congress party, Shashi Tharoor, oo bartiisa Twitterka soo dhigay ii dhehda ayaa yiri: “Hindutva-ga aan dulqaadka leheyn waxay ku baaqeen in laga soo horjeesto shirkadda, oo keliya dhiiragelisay midnimada Muslimiinta iyo Hindu-ga oo ii dhedan quruxda badan ka sameysay”.
“Haddii ‘ekatvam-ka’ Muslimka iyo Hindu-ga ay si wayn uga caroodeen, maxay u diidi waayeen astaanta ugu wakhtiga dheer ee mideysa Muslim-Hindu – ee Hindiya?” ayuu qoray

Inta badan qoysaska Hindiya waxay jeceyl yihiin in ay guursadaa qof ay isku diin yihiin ama ay isku dabaqad dhanka bulshada ka yihiin; Sidoo kale guurka ka baxsan arrimahaas waxaa ka dhasha rabshado sida in qof ka mid ah lamaanahaas ay dilaan qaraabada ama dad kale.
Sida lagu ogaaday kormeer dhanka bulshada ah, keliya 5% ee dhammaan guurka ayaa ka ah isdhexgal dabaqad ama diin. Waana kuwo aad u yar lamaanaha sidaa ah in lagu arko Hindiya.
Dadka u ololeeya arrimaha jinsiyadda waxay sheegayaan in masuuliyadda ku dhaqanka caadada reerka “iyo ilaalinta sharafta” in ay ku xiran tahay gabadha.
Haddii ay guursato qof ka baxsan xeydaabka dhaqankeeda, waxaa loo arkayaa in ay tahay qof dhaawac gaarsiiyay sumcadda qoyska iyo bulshada ay ka soo jeedo.
Taas waxay dhib u dhac ku tahay Hindiya oo bulshooyiinka haysta diimaha kala duwan ay sii badanayaan. Dowlad mayal-adag oo Hindu ah ayaana awoodda dalkaas haysay tan iyo sannadkii 2014-kii, waxaana lagu eedeeyay in ay si adag uga soo horjeedo Muslimiinta iyo in ay aqbashay hadallada naceybka ah ee ka dhanka ah Islaamka.
Sannadkii 2018, Waxaa la tirtiray muuqaal la geliyay Facebook oo lagu dalbanayay in la weerarro 102 nin oo Muslimiin ah oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin dumar Hindu ah.
Farriinta waxay dadka Hindu-ga u sheegeysay “in ay raadiyaan magacyo lagu qoray boggaas, ayna ugaarsadaan raggaa”, waxaana farriintaa ka dhashay xanaaq bulsho.