HADALKII MUDANE BUUBAA: SHAKI HOR LEH OO IGA GALAY GEERIDII DR. GALAYDH (AHN)
Waxa in badan oo ka mid ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ay ka muujiyeen Geeridii marxuum Dr Galaydh shaki weyn oo tuhummo hore lala xidhiidhinayo. Waa maxay sabababa shakigaasi Soomaalida ku kallifay?
1) Dr Galaydh geeridiisu kedis bay ahayd, sidii rag hore oo Soomaaliyeed oo degaammada Itoobiya xukunto ka dhacay.
2) Waxa kala hadlay dakhtarkii gacanta ku hayey iyo xukuumaddii uu martida u ahaa marxuumku.
3) Waxa la yaab leh in la shegayo inuu cunto qoonsaday (food poisoning), maxaa loo waayey cid sheegaysa meesha cuntadaasi ka timid, ama uu ka cunay. Yay wada cuneen, yay maalintaa uu cuntada cunay wada socdeen? Waxaa la sheegayaa in Garaad Kulmiye maalmahaa ku dhodhowaa Dr Galaydh, markaa bal garaadka ha la waraysto wuxuu ka og yahay arrinkaas.
4) Waxa la sheegayaa in madaxdii DDS ay markii hore go’aansadeen inay Jigjiga ku aasaan
5) Waxa la sheegayaa in MW Farmaajo laftiisu aqbalay in marxuumka Jigjiga lagu aaso. Inkastoo markii danbe sida warar xogogaal ihi ii sheegeen culays kaga yimid dad badan oo Soomaali ah, MW Farmaajona lagu qanciyey inuu xaaskii marxuumka la hadlo oo u tacsiyeeyo, weydiiyona halka ay jeclaan lahayd in lagu aaso.
6) Markii Xamar maydka marxuumka la keenay waxa la xaqiijiyey in Marxuumka walaashii, wiilkiisa iyo marxuumka walaalkii ay codsadeen in baadhitaan dhammaystiran lagu sameeyo intaan la aasin, si loo xaqiijiyo sababta dhimashada (cause of death). Sidoo kale waxa eheladu codsadeen in la sugo xaaskii marxuumka oo jidka ku soo jirta. Nasiib darro xukuumadda Muqdisho iyo qolyihii kale xukuumadda iyo dhaqankaba lahaa ee reer Jigjiga dheg jalaq umay siin codsigii xaqa ahaa ee ehelada marxuumka.
7) Nasiib darrada kale waxay ahayd in aakhirkii xukuumadda Xamar amartay in laga qaado dheecaanka laga baadho COVID-19 oo “keliya”. Ogaadana qofku iyadoo Covid-19 hayo ayuu sabab kale u dhiman karaa! Waana kala labo in Covid-19 laga baadho iyo in la raadiyo waxa geeridiisu sababsatay.
8) Arrinka ugu weyn ee aniga shakiga horta leh i geliyey waxa weeye, hadalkii Professor Buubaa ee xalay aan dhegeystay [11/10/2020]. Mudane Buubaa wuxuu sheegay in dhowaan isaga iyo Dr. Galaydh iyo rag kale oo aqoonyahanno ahi ay Addis Ababa ku ballansanaayeen. Wuxuu raaciyey in raggii qaar ka mid ahi imaan kari waayeen sababaha Covid-19 awgood. Laakiin, Dr. Galaydh iyo Buubaa iyo rag kale ku kulmeen Addis Ababa. Sida aan xansaday aqoonyahannadaasi waxay ka tashanayeen sidii Soomaalida Geeska Afrika loo midayn lahaa intii suurto gal ah. Arrintani muddo Dr Galaydh iyo Buubaa way wadeen, Buubaana dhawr mar buu warbaahinta ka shaaciyey. Intiinnii dhegeysatay waraysigii Dr Galaydh ee ugu dambeeyey isaga laftiisu wuxuu sheegay inuu rabo inuu Jigjiga fadhiisto oo Jaamacadaha wax ka dhigo.
Waxa intaa dheeraa inuu Dr Galaydh wadey qorshe uu ku xoojinayo ONLF iyo maamulka DDS inay si hagar la’aan uga wada shaqeeyaan wax kasta oo ummadda Soomaalida ee gobolkaas lagu midayn karayo. Wuxuu kaloo sheegay inaanay riyadii Soomaali weyn aanay dhiman loona baahan yahay in laga shaqeeyo. Wuxuu sii ishaaray in Hargeysa iyo Jigjiga ay saldhig u noqon karayaan sidii Soomaali la isula raadin lahaa.
Digniin: Ragga aqoonyahanka ah ee waaweyn ee Ismaaciil Buubaa ka midka yahay iyo saaxiibadoodii ay hawlaha wada wadeen waxaan kula talin lahaa inay taxadraan oo iyaga laftoodu is ilaaliyaan. Waxaan kaloo ka codsan lahaa inay baadhitaanka geeridii Dr. Galaydh wqayb ka noqdaan wixii xog ahna qoyska la wadaagaan.
Talo:
1) Waxaan ku talin lahaa in suxufiyiinta aqoonta lihi ee Soomaaliyeed iyo ciddii kale ee ay kaashan karaaba ay arrinkaasi daba galaan oo baadhitaan dheer sameeyaan.
2) Waxaan kaloo ku talin lahaa in qoyskii marxuumku ay weli xaq u leeyihiin (haddaanay qancin) in marxuumka meydkiisa baadhitaan xor ah oo madax bannaan lagu sameeyo, iyagoo adeegsanaya safaaradda waddanka ay dhalashadiisa haystaan ee Maraykanka. Waxay codsan karaan in laga caawiyo khubaro dhakhaatiir iyo denbi baadhayaal aqoon u leh dabagalka dhimashada shakigu ku gedaaman yahay.
Gebagebadii: Hadalkan mudane Buubaa, qofkii siyaasadda Geeska Afrika iyo hadafyada is diiddan ee aan la xaqiijin ee ay kala leeyhiin Xabashida iyo Soomaalidu ee qawmiyadda iyo dhulka la isku riixayo, iyo dhaqdhaqaaqa khubaradan Soomaaliyeed ee waayo aragga ah (Galaydh, Buubaa and Co) ee Addis Ababa iyo Jigjiga ay kulammada iyo ballamaha ku lahaayeen, iyo habdhaqanka Xabashida iyo shirqoollada ay u maleegaan siyaasasiyiinta ay khatarta u arkaan, iyo geerida degdegga ah ee Dr Galaydh, iyo wararka is khilaafsan ee Jigjiga, iyo dedejinta aaska marxuumka Xamar lagu boobteeyey waxa soo baxaya tuhun la odhan karo wuxuu salka ku hayaa SHIRQOOL SIYAASADEED.
By:
Mohamoud Ibrahim
(Xaaji)