WAA KUMA MOHAMED ATALLAH ? QAYBTII LABAAD…

Atallah iyo kooxdiisi waxay ka shaqeeyeen sidii wax looga qaban lahaa loona soo saari lahaa transistors wax-ku-ool ah (FETs), oo markii ugu horreysay lagu sharraxay sannadihii 1920-meeyadii ka dibna la muujiyey in si tijaabo ah loo qaabeyn karo sannadihii 1940-meeyadii, laakiin iyagu ma ay helin jidkii ay u mari lahaayeen isticmaalka (FETs),Maaddaama aysan jirin tiknoolajiyad u oggolaan karta in loo adeegsado si baaxad weyn.

Atallah wuxuu soo jeediyay qaab loo sameeyo transistors oo wax tar leh iyadoo la adeegsanayo oksaydhka (oxide) macmalka ah,Attallah iyo kooxdiisii waxay awood u yeesheen inay soo saaraan transistor-kii ugu horreeyay ee macmalka ah (MOSFET) sanad ka hor,1959kii.

Natiijooyinka shaqadoodana waxaa markii ugu horaysay lasoo bandhigay 1960.Qalabka ‘MOSFET transistor’ wuxuu leeyahay astaamo uu kaga duwan yahay transistors-ka laba-cirifoodka ah (BJT) .Taas oo ka dhigtay xulashadii ugu horreysay ee soo saaridda wareegyo isku dhafan iyo dhismaha aasaasiga ah ee lagu dhisayo jibbaarada kumbuyuutarka, kaasoo si dhakhso leh u dhex maray Sannadkii 1964, Intel waxay soo saartay microprocessor-kii ugu horreeyay abid, processor-ka 4004.Waxaana muhiim ah in la fahmo saameynta shaqada ee Atallah uu qabtay intii uu ka shaqeynayay Bell Laboratories.

Transistors ka MOSFET, waa aaladda ugu badan ee la soo-saaray taariikhda aadanaha, maadaama tirada transistorerada MOSFET ee la soo saaray ay gaadheen 13 sextillion transistors, yacni 13,000,000,000,000,000,000,000 transistors. MOSFET wuxuu ka mid noqday waxyaabaha ka qayb qaatay wax ka beddelka qaab nololeedka ee guud ahaan caalamka, waana mid aan shaki ku jirin in uu ku jiro liiska farsamooyinka ugu caansan taariikhda warshadaha elektaroonigga ah, haddii aysan ahayn kuwa ugu caansan.

In kasta oo muhiimada shaqadiisa iyo cilmi baaristiisa uu ka waday Bell Laboratories, Atallah wuxuu go’aansaday inuu ka tago oo uu u guuro shirkadda caanka ah ee HP, wuxuuna gacan ka gaystay aasaasida qayb ka mid ah shirkadda sita magaca HP Associates, kaas oo loo qoondeeyey inuu noqdo qayb takhasus gaar ah u leh warshadaha semiconductor gudaha HP, halkaasna, Attallah wuxuu sii waday cilmi baaristiisa iyo dadaalkiisa ku aaddanaa maadooyinka Schottky, taas oo horseedday farsamooyin wax soo saar horudhac ah taas oo ay u suurtagashay in laga gudbo dhammaan dhibaatooyinka la xiriira soosaarka Schottky diode.

Wuxuu kaloo ka shaqeeyay soo saarida aaladaha lagu soo bandhigo ee laga sameeyay LED-yada, taasoo keentay in la soo saaro muuqaalkii ugu horreeyay ee LED-ka sanadkii 1968. Atallah muddadii uu ka shaqeynayay HP ma aanay sii dheeraan , wuxuu go’aansaday inuu ka tago 1969 oo uu ku biiro Fairchild ( Fairchild Semiconductor), oo uu ka shaqeynayay illaa 1972 isagoo ahaa madaxweyne ku xigeenka shirkada iyo agaasimaha qaybta Optoelectronics. Sannado badan kadib oo uu gaadhay guulo muhiim ah oo ku saabsan dhinaca elektarooniga iyo semiconductors, Atalla wuxuu go’aansaday 1972 inuu u guuro goob gebi ahaanba cusub oo ah kaydinta iyo farsamooyinka ilaalinta xogta, si loo dhiso shirkad isaga u gaar ah oo wadata magaca shirkadda Atalla, waxayna si weyn uga qayb qaadatay badalida qaabka macaamiisha. Bangiga oo loo adeegsado mashiinnada iswada (ATMs), maadaama ay hay’addu soo saartay unuggii ugu horreeyay ee ilaalinta qalabka (HSM), kaasoo sidoo kale loo yaqaanay Sanduuqa Atalla,Kaas oo la bilaabay 1973, wuxuuna ka ciyaaraa door muhiim ah bixinta ilaalinta xawilaadaha, maantana waxay u taagan tahay heerka tixraaca ee ilaalinta nidaamka lacag bixinta iyadoo…

 

 

W/Q : Muna Ahmed Faarah
GMAIL:munaahmed885@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker