Professor Cali Khaliif Galaydh Intaan La Aasin Waa In Lagu Sameeyo Baadhitaan Caafimaad Oo Caalamiya Insha Allaah !!!!!!.

Professor Cali Khaliif Galaydh Allaah(Swt) Ha U Naxariisto, Aamiin Aamiin Aamiin
Insha Allaah , Wuxuu Ahaa Geesi Hadalka Aan La Gaban, Oo Runta Sheega, Kana Haybadaysan Wadankasta Uu Joogo Madaxdiisa Oo Xaqiiqada Iyo Waaqici Jira Farta U Saara.
Professor Cali Khaliif Galaydh Waraysi Lagula Yeeshay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Caasimadeeda Jig Jiga Taariikhduna Tahay 7/October/2020 Salaasa, Waraysigaasi Dhinacyo Badan Ayuu Taabanayay, Xukuumadda Federaalka Itoobiya Waxay Ka Damqatay Oo U Dul Qaadan Wayday Hadal Uu Yidhi Professor Galaydh Oo Ah Wakhtigii Gobonimo Doonka Hawd Reserve Area Ama  Soomaalida Itoobiya Iyo Somaliland British Ama Goboladda Waqooyi Waxay Ahaayeen Labaddii Gobol Ee Raadinayay, Qayb Wayna Ka Qaatay In La Helo Shan Soomaali.
Madaxda Itoobiya Oo Boqolaal Sano Iska Soo Dhaxlay Jiilba Jiil Goor Ay Noqotaba Somaliland Iyo Soomaaliya Inay Awood Milateri Ama Awood Siyaasadeed Ama Awood Is Dhexgalka Labadda Ummadood Sadexdaas Qodob Ka Ugu Fudud La Qaato Si Mustaqbalka Labadaas Wadan Soomaaliya Iyo Somaliland Uga Mid Noqdaan Dhulwaynaha Federaalka Itoobiya.
Xukuumadda Federaalka Itoobiya Ee Uu Raysal Wasaaraha Ka Yahay Abay Axmad Hammigiisu Wuxuu Yahay Sidii Ay Isu Dhexgeli Lahaayeen Dadyoowga Sadexda Wadan Itoobiya, Somaliland Iyo Soomaaliya, Ujeedadiisa Ugu Wayna Tahay Toban Milyan Oo Itoobiyaan Ah Oo La Dejiyo Somaliland, Labaatan Milyana La Dejiyo Soomaaliya, Ka Samaystaan Guryo Ay Degenaadaan, Ganacsi, Mustaqbalkana Ay Noqdaan Muwaadin La Xuquuq Ah Muwaadinka U Dhashay Somaliland Ama Soomaaliya Ee Labaatan Awoow Ka Soo Jeeda.
Xukuumadda Abay Axmad Ama Madaxda Kale Ee Oromadda Itoobiyaanka Kale Ee Ay Isku Fikrada Yihiin Waa Arrimaha Loo Nisbayn Karo Ee Sababi Kara, Kuna Dhiiran Karaan Inay Cuntada Sun Ugu Daraan Professor Cali Khaliif Galaydh Si Aanu U Sii Noolaan Oo Aanu Itoobiya Oo Ku Taamaysa Xeeb Dheer Aanu Ku Baraarujin, Kuna Toosin Dadwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dadwaynaha Somaliland Iyo Dadwaynaha Soomaaliya, Itoobiya Oo Maraakiibteeda Dagaalku Ka Hawl Galaan Saldhigyo Ciidamadda Badda Ka Samaystaan Saylac, Boosaaso, Hobyo, Marka Iyo Kismaayo.
Professor Cali Khaliif Galaydh Waxaan Caqliga Gelayn Hadalada Is Dhaafka Ah Ee Ay Ku Hadleen Maamulka Kililka Shanaad Oo Ah Cunto Ayuu Ku Xanuusaday, Jig Jiga Ayaa Lagu Aasayaa Isagoo Aan Baadhitaan Heer Caalamiya La Marin, Wuxuu U Dhintay Coronavirus, Muqdisho Ayaa La Gaynayaa Maydkiisa Si Loogu Aaso, Waa Hadalo Is Dhaaf Ah Oo Tuhun Iyo Baadhitaan Heer Caalamiya Oo Wadamadda Reer Galbeedku Hogaaminayaan Insha Allaah.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood 
Hargeisa Somaliland Republic.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker