Maxaad kala Socotaa Gabadha Somaliyeed ee Sannadkan u Sharaxay Billadda Nobel Peace
lwad Elman oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda Nabadda ayaa markii labaad kamid noqotay dadka u sharraxan abaalmarinta nabada adduunka ee Nobel Peace Prize, sida laga soo xigtay Machadka Daraasaadka Nabadda (PRIO) ee fadhiggiisu yahay magaalada Oslo ee dalka Norway.
Ilwad oo sanadkii 2010kii ka soo wareegtay dalka Canada una soo guurtay Soomaaliya ayaa sii dhaqaajisay himilooyinkii Aabaheed Elman oo ahaa Aas-aasaha hayโadda Elman oo ah hayโad ka shaqeysa nabadda iyo xuquuqda Aadanaha.
Ilwad waxay haatan ka mid tahay shanta qof ee ugu sarreeya ee loosoo xushay inay ku tartamaan abaal-marintan Nobel-ka.
Hayโadda Elman oo ay hadda gacanta ku heyso Ilwad ayaa ka shaqeysa siddii looga hortagi lahaa in Carruurta la Askareeyo taa badalkeedana lagu dhiiri-galiyo in ay wax bartaan, iyadoo hal ku dhigge hayโaddu yahay โโQoriga Dhig ee Qalinka Qaadoโโ sidoo kale hayโadda ayaa ka shaqeysa ka hortaga faraxumeyta loo geysto haweenka iyadoo dhinaca kalana bixisa talooyin la xiriir dhinaca xuquuqda Aadanaha.
Waxaa ay sidoo kale Hayโaddu bartaa dhalinyarrada Soomaaliyeed farsamooyinka gacanta iyadoo ay hadda jiraan kuwo badan oo ka aflaxay xarunta hayโadda iskoodna ugu shaqeysta farsamadii ay barteen.
Elman Cali Axmed oo ahaa Aas-aasihii hayโaddan [Elman] ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sanadkii 1996dii, isaga oo ahaa shaqsi burburkii Dowladdii Dhexe ee dalka kaddib u istaagay in dib loo soo nooleeyo rajada Ubadka Soomaaliyeed oo watigaa ku dayacnaa dalka qeybihiisa kala duwan, isaga oo ku dhiiri-galin jiray in ay wax-bartaan si ay mutaqbalka u noqdaan dad iskood u shaqeysta.
Haddii ay Ilwad ku guuleysato abaalmarintan waxaa ay noqon kartaa guulweyn u soo hooyatay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo noqoneysa qofkii ugu horeeyay ee loo xusho abaalmarintan iyadoo ka shaqeyneysa gudaha dalka Soomaaliya.