Dowladda Federaalka Itoobiya Oo Loogu Baaqay inay Xidhiidhka U Jarto Gobolka Tigray
Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in Dowladda Federaalka ay xidhiidhka u jarto hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku yaalla, kaddib xurguf soo kala dhex gashay oo ku aaddan doorashada dib loo dhigay.
Go`aankan micnihiisu maaha in xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba go`ayo. Dowladda Federaalka ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka, iyadoo siin doonta adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay.
Balse waxaa laga yaabaa inay joojiso lacagihii ay siin jirtay sida baarlamaanka Tigray, iyadoo Dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan weli ka jawaabin arrintaas.
Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September kuna tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah.
Xisbiga (TPLF) eek a taliya gobolka ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October – ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku uusan ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka.
Xisbiga TPLF ayaa u yeedhay xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka.