Cajiib: Faaliso u dhalatay Dalka Bulgaria oo Hore u Sheegatay in Trump uu ku dhicidoono Fayris

Xidigiso u dhalatay Bulgaariya oo geeriyootay ayaa hore u saadaalisay in Fayras khatar ahi ku dhici doono madaxweynaha Shan iyo Afartanaad ee Maraykanka oo noqday madaxweynaha hadda Donald Trump.

 

 

Faalisadan oo lagu magacaabi jiray Vanga waxa ay ku andacootay in madaxweynahaasi uu muddo dheer u xanuunsan doono Fayraskaas oo ay sheegtay in uu khatar yahay.

 

 

Vanga oo 85 sano jir ku dhimatay waxa ay leedahay saadaalo badan oo la xidhiidha sannadkan aynu ku jirno ee 2020 ka. Waxaana ka mid ah tan ay ku sheegayso in madaxweynaha 45-naad ee Maraykanka uu ku dhici doono xanuun dunida ku cusubi.

 

 

Xanuunaas oo ay sheegtay in uu madaxweynaha Maraykanka kaga tegi doono xaalado ay ka mid yihiin dhego beel, xanuun ah dhawaaq ama siidhi dhegihiisa uu ka maqlayo, iyo buro kansar oo maskaxda ah.

 

 

Sida uu ku warramay wargeyska ‘The Sun’ faalisadan geeriyootay 23 sano ka hor, waxaa ay hore u saadaalisay in Ingiriisku uu ka bixi doono midowga Yurub, weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11-kii Sabtembar iyo duufaantii (Sunaami) burburka weyn gaadhsiisay dalka Thailand.

 

Waxa kale oo ay ku andacootay in nolosha adduunyadu ay dhammaan doonto sannadka 5079 ka.

 

 

Faalisadan carruurnimadeedii waxaa ku dhacay indho la’aan ay sababteeda lahayd duufaan ciid wadatay oo ka kacday meel ku dhow beerta qoyskooda, illaa geerideediina sidaas ayaa uu aragga uga maqnaa.

 

 

Vanga inkasta oo ay indha la’ayd haddana waxa ay si fiican ula socotay xaaladaha adduunka ka dhacayey xiligeedii, kuwaas oo ay faham dheeraad ah u lahayd marar badanna saadaalisay sida ay ku dambaynayaan.

 

 

Baba Vanga oo macnaheedu yahay ‘Ayeeyo Vanga’ waxa uu magaceeda dhamaystirani ahaa Vangeliya Pandeva, Sannadkii 1996 kii ayaa ay ku dhalatay Magaalada Strumica oo markaas ka mid ahayd dhulkii ay ka talin jirtay dawladdii Cusmaaniyiintu,

 

Laakiin imika ka tirsan gobalka Macedonia, iyada oo faalkeeda awgii magac weyn ku leh adduunka oo dhan ayaanay sannadkii 1996 kii da’da 85 sano jirka ku geeriyootay magaalada Petrich ee dalka Bulgaria.

 

 

Waxyaabaha ugu caansanaa faalka gabadhan waxaa ka mid ah:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker