Faaliyihii Qaranka oo Saylici u faaliyay ( in uu Madaxweyne noqonaayo)
Faaliyihii Qaranka Somaliland oo habeenkii dhawayd ee Dayaxa iyo ( Mars) godka wada fadhiisteen ee Hargeysa laga wada arkay. Ayaa Cabdiraxmaan Zaylici loo faaliyay, waxa loo sheegay oo lagula taliyay in uu ka tanaasulo tartanka Gudoomiyaha 4 aad ee Xisbiga Kulmiye. Sababtoo ah : waxa uu noqon doonaa dhawaan Madaxweynaha dalka Somaliland, sidaas awgeed waa in uu iskaga hadhaa tartanka.
Kabacdi waxa uu u tegey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo aad iyo aad uga cadhaysan shirka xisbiga Kulmiye ee 4 aad. Sababtoo ah .
Waxa loo diray 5 kaadh oo layidhi kaga soo qeyb gal shirka, kadibna markii arinkaa ka cadhooday waxa loo kordhiyay kaadhadhkii casuumadda oo 25 kaadh ayaa looga dhigay, oo Wasiir Maxamed Kaahin loogu dhiibay, arinkaasna wuu diiday in uu shirka ka soo qeyb gala, waanu ka cadhooday, kadibna dalkaba wuu iskaga dhoofay isaga oo aan doonayn in uu shirka ka soo qeyb galo.
Waayo sidii uu kula heshiiyay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi sidan may ahayn iyo sidii uu Gudoomiye nimada xisbiga isaga Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay.
Beeshii Axmed Siilaanyo ka soo jeedayna shirkan way ka maqan tahay , isbahaysigii iyo waxyaabihii ay ku heshiiyeen Beesha MD Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo na wuu ka baxay MD Muuse Biixi.
Hadaba mustaqbalkii Xisbiga Kulmiye mugdi ayuu galay iyo kala qeyb sanaan .
Arintaasuna werwer keeda ayey leedahay, waxaanu Xisbigu ku socdaa wadadii uu qaaday Xisbigii UDUB.
Hadaba aynu sugno ayaamaha soo socda iyo natiijada ka soo baxda shirka xisbiga Kulmiye iyo isbahaysiyada cusub ee soo bixi doona.
Cali Maxamed Biixi
Caliwwelli@hotm