Madaxweynaha Somaliland oo si Adag uga Hadlay Kiisaska Kufsiga oo dalka ku soo badanaya
Hargeysa (OWN)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa aafo qaran oo muddooyinkii u dambeeyey waddanka ku soo batay ku tilmaamay tacaddiyada loo geysto haweenka oo Kufsigu ugu horreeyo, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan meel adag ka taagan yihiin in sharciga la horgeeyo cid kasta oo dambi geysata.