Daawo Khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga KULMIYE

Madaxweynaha Somaliland , Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabbdillaahi Ismaaciil (Saylici), ku hanbalyeeyay tasuulkii uu ka tanaasalay guddoominimada kursiga 4-aad ee xisbiga KULMIYE,.kaas oo ay ku tartameen isaga iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshada , Maxamuud Xasa Sacad Saajin.
“Waxan u mahadnaqayaa Madaxweyne Ku xigeenKa Somaliland, Mudane Cabdirahman Saylici anigoo ku hambalyaynaya go’aan uu qaatey ee dhaqanka xisbiga ahayd”Ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo ka hadlaya dhanka adeegga bulshada ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey guud ahaan bahda Caafimaadka intii ka qayb qaadatay la dagaallanka iyo wacyigelinta xannuunka safmareenka ah COVID19 dal iyo dibad ba.

Madaweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray. “Fursadaha shaqo ee Qaran qaar dawli ah iyo qaar gaar ahba, waxa ay noqonayaan qaar loo tartamo oo si xor ah loo xusho”

Madaxwayne Muuse Biixi waxaa kale oo uu sheegay in Tobankii sanno ee uu Xilka hayay Xisbiga Kulmiye dalka gaadhsiiyey horumaro kala duwan oo la taaban karo.

Madaxwaynuhu dhanka kale waxaa uu tilmaamay in Shirwaynaha 4-aad ee Xisbiga KULMIYE, furmay kuna soo beegmay sannad guurada 18 ee ka soo wareegtay aas’aaskii Xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Biixi ayaa magaca xisbiga KULMIYE, ku sifeeyay mid bulshada mideeyay. “Magacan Kulmiye sida uu sheegayo, waa Xisibigii Kulminayey ee midaynayey dadka iyo dalka”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay tirada Qandaraasyada dawladdu bixisay. “581 mashruuc amma Qandaraas ayey dawladdu bixisay, waxaana loogu tartamay si siman oo caddaalad ah oo dadku si furan ugu tartameen, waana qorshe xukuumaddu samaysay oo ay ku doonayso in dadka caddaalad loogu sameeyo, Shirkaddahana waxaanu doonaynaa in ay ku daydaan”

“Waxaanu samaynay guddi ka kooban 11 Wasiir oo ka shaqaynaya maamulka caawimooyinka Ay dunida ka helno, iyaga oo ku salaynaya baaniyaha dadku qabaan” Madaxweyne Muuse Biixi

Mar uu aqoonsiga bèesha calaamku ay Soomaaliya siisay ka hadlayay waxaa uu yidhi.“Waxa aan u sheegaynaa beesha caalamka,in aqoonsiga la siiyey Soomaaliya uu noqday hub lagu la dagaallamo horumarka iyo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker