Madaafiic ku soo dhacday Nawaaxiga Xerada Xalane Ee magaalada Muqdisho
Tiro madaafiic ah ayaa goor dhaw oo duhurnimadan maanta ah waxa ay ku soo dhaceen nawaaxiga Xerada Xalane ee Degmada Wadajr, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhaceen Xaafadaha ku dhaw Xerada Xalane, waxaana la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan ilaa Shan Hoobiye.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay ilaa hadda in aysan garaneyn halka rasmi ahaan ay ugu dhaceen madaafiicdan.
“Madaafiic badan ayaa soo dhacday ilaa shan ah, anaga dhana waan kala cararnay, ma garan karno ilaa hadda cida wax ku noqotay madaafiicdan.” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.
Madaafiicdaan ayaanan la ogeyn rasmi ahaan meesha laga soo tuuray, inkastoo ujeedka madaafiicda loo soo tuuray ay tahay qal qalgelinta amniga magaalada Muqdisho.
Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka ayaa tagay aagga ay ku soo dhaceen Hoobiyeyaashan, waxayna wadaan baaritaan ku aadan falkan.