Digniin Caafimaad Oo Ku Aaddan Daawada Caruurta Ee Ibuprofen Paracetamol

Sharoobadan oo lagu sameeyey wadanka Kenya, Soomaaliyana la keeno iyadoo lagu iibiyo Farmashiye kasta iyo qiima jaban ayaa waalidiinta Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn dhibaatada laga dhaxlo markii la siiyo caruurta kadib.

Sharoobadan waxaa lagu dhex daadiyey (ku dhex jira) Dhalooyin yar yar oo qaruurax ah, haddii aad rabto inaad tijaabiso soo gado hal dhalo oo sharoobadan ah kadibna ku miir Caana miirka (Shabaqa yar ee caleenta shaaha looga miiro ama looga saaro). Caruurta ayaa sababta sharoobadan loo siiyo ay tahay iney ka jabiso qandhada, laakiinse dhalooyinkaas yaryar ayaa dhibaato kale oo hor leh waxay u horseedaan Dheef shiidka ilmaha xitaa waxay saameyn karaan in Buro oo kale ay u aruuraan dhalooyinkaas sharoobadda lagu dhex daadiyey ee caloosha Caruurta galo sharoobadda markii ay cabaan kadib. Cali Aadan Muumin waa wehelkaaga oo markasta waxa uu kuu sheegayaa wax kasta oo wax yeello u geysan kara adiga iyo Ubadkaaga, Fadlan tijaabi oo ishaadu Macalin ha kuu ahaato.

Farmashiyaasha lagu iibyo waxaan kula talinayaa Mustaqbalka caafimaad ee Caruurteenna ha siisanina iibinta daawo cudurro horseedaysa. Wasaaradda Caafimaad iyadana waxaan ku boorinayaa Fadlan shaqadiina waaba gabteenne hadda inta hartay dadka ka qabta, oo shirkaddii ama wadankii daawadan soo saartay kula xisaabtama wax yeeladdeeda.

Sawirka sharoobad waa midkan kuu muuqda, ha Farmashi kasta waad ku aragtaa.

W/Q Cali Aadan Muumin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker