Sacuudiga Oo Marti galinaya Ciyaaraha Caalamiga ah ee Golf-ka , oo ay Haweenkiisuna ka Qaybqaadanayaan

 

 

Boqortooyada Sucuudigu waxay qaban qaabinayasaa qabashada laba tartan oo ah ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo labaduba heer caalami ah.

Ka koobaad waa tartanka Golf-ka haweenka ee Yurub oo socon doona inta u dhaxaysa 12-15 Noofember. Ka dibna waxa bilaabmi doona tartanka Golf-ka kooxaha haweenka Sucuudiga oo isna socon doona 17-19 isla bishaas, iyadoo labada tartan ay ka dhici doonaan garoonka Golf-ka ee Royal Greens.

 

Waxa marka hore lagu waday in tartannadan la qabto horaantii Maarso ee sannadkan laakiin waxa loo baajiyey fayraska korona awgii.

 

“Aad baanu ugu faraxsannahay in aanu Taariikhda galno oo aanu ka qayb qaadano qabanqaabda tartanka Golf-ka haweenka ee Sucuudiga ka dhacaya, waxaanu sidoo kalena ugu mahadnaqaynaa in Sucuudigu in aanu qabanayn oo keliya tartankaa ee xataa ka qayb galayaan haweenka Sucuudigu iyadoo weliba sannadkani yahay sannad adag oo soo food saaray ciyaaraha Golf-ka” ayey tidhi Agaasimaha fulinta ee qaban qaabada tartanka Golf-ka haweenka Yurub Alexandra Armas.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker