Komishanka doorashooyinka Qaranka JSL Oo Madaxweynaha U Gudbinaya Xiliga La Qabanayo Doorashooyinka

Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Maadaxweyne Muuse Biixi u gudbinaya Qoraal ay ku caddahay xilliga ay u qorsheeyeen inay qabtaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee isku sidkan.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Guddiga doorashada  markay soo dhameeyaan Diwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag Toddobaadkan ay Madaxweynaha u gudbinayaan Ajandahooda qabashada iyo xilliga ay u muddeeyeen inay qabtaan doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland, si markaasi ka dib uu Madaxweynuhu Wareegto ugu soo saaro.

Heshiiskii laga gaadhay khilaafkii qabashada Doorashada ee sannadkii hore dabayaaqadiisii ay wada gaadheen Xisbiyada Somaliland, ayaa waxa ku xusnaa in Doorashada isku sidkan la qabanayo bisha 5-aad ee sannadka 2021-ka, laakiin waxa loo baahan yahay in komiishanku isagu muddeeyo xilliga uu doorashada ku qaban karo, haddii waafaqayo xilliga Xisbiyadu ku heshiiyeen iyo haddii kaleba, taasi oo marka dambana Madaxweynuhu uu Wareegto ku ansixinayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker