Dagaal Yahanada Alshabaab oo Hiirtii Waaberi Weerar ku Qaaday Gudaha Kenya
Kismaayo (OWN)– Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka aroortii hore dagaalyano ka tirsan AL-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka J/Hoose.
Sidoo kal wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku bilowday madaafiic ay is-weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo raggii weerarka qaaday.
Al-Shabaab oo war kooban ka soo saartay weeraradaas ayaa sheegtay inay ahaayeen kuwa safmar ah oo ay ku eekeeyeen saldhigyada ciidamada Kenya.
Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba
Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba
“Xooggag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar safmar ah ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ee Degmada Afmadow & Deegaanka Qooqaani, waana weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo lagu bartilmaameedsado Saldhigyadaan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ka ee ka soo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan dagaalladaasi.

























































Al-Shabaab oo saaka weeraro culus ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada KENYA
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka aroortii hore dagaalyano ka tirsan AL-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka J/Hoose.
Weeraradan oo ka dhacay degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ayaa waxaa xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray labada dhinac.
Sidoo kal wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku bilowday madaafiic ay is-weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo raggii weerarka qaaday.
Al-Shabaab oo war kooban ka soo saartay weeraradaas ayaa sheegtay inay ahaayeen kuwa safmar ah oo ay ku eekeeyeen saldhigyada ciidamada Kenya.
Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba
“Xooggag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar safmar ah ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ee Degmada Afmadow & Deegaanka Qooqaani, waana weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo lagu bartilmaameedsado Saldhigyadaan.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ka ee ka soo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo ku aadan dagaalladaasi.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobollada Jubbooyinka ka socda dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeeda, maadaama ay gobolladaas ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Warar






English






KHEYRE oo Muqdisho ka wada kulamo siyaasadeed
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta hoygiisa uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Kheyre oo qoraal kooban ka soo saaray kulankaas ayaa sheegay in guddoomiyaha uu uga mahad celinayo kaalinta uu ka qaatay xaalada kala guurka ah ee dalku ku jiro.
“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.
Kheyre iyo Cabdi Xaashi ayaa isku mowqif ka ahaa maareynta hanaanka doorasho ee Soomaaliya u jaheysaneyso, balse labaduba waxay dagaal siyaasadeed kala kulmeen xafiiska madaxweynaha.
Wada-shaqeynta guddoomiye Cabdi Xaashi iyo madaxweyne Farmaajo ayaa haatan u muuqata mid aan wanaagsaneyn, halka Kheyre uu ku baxay khilaaf ka dhashay nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.
Khilaafkan ayuu xoogiisu soo bilaawday intii aan la aadin shirarkii Dhuusamareeb ka dhacay, waxayna Kheyre iyo Cabdi Xaashi ka mideysnaayeen in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ka wada tashadaan sidii ay Soomaaliya doorasho uga dhici laheyd waqtigeeda.
Hasa yeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanayey in guddiga doorashooyinka loo daayo howshaas si doorasho qof iyo cod ah ay dalka uga qabtaan, balse dhawaan ayuu ka tanaasulay taas, isagoo aqbalay in la aado doorasho dadban.
Madax goboleedyada oo Muqdisho ka bilaabay olole cusub iyo ujeedka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa joogi doona magaalada Muqdisho inta laga ansixinayo heshiiska siyaasadeedka hannaanka doorashada 2020/21.
Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda dhexe ayaa heshiis ka gaaray xaaladda kala guurka ee dalka, waxaana lasoo wada saaray war-murtiyeed la isku raacsan yahay oo ka kooban 15 qofodb, balse qodob ka mid ah oo ku jiray ayaa qeexaya in la hor geynaayo Golaha Shacabka.
Si heshiiska la wada gaaray uu u noqdo mid dhaqan gala waxaa loo baahan yahay ineysan soo diidin golaha shacabka, waana sababta ku kaliftay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iney Muqdisho baaqi ku noqdaan.
Ilo madax banaan oo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay kulamo la yeelanayaan xildhibaanada kasoo jeeda deegaankooda, waxeyna ka dhaadhicin doonaan sida ay muhiim u tahay iney ansixiyaan sharciga lagu heshiiyay.
Shanta madaxweyne maamul goboleed waxey taageero u raadinayaan heshiiskii ay la galeen dowlada Federaalka.
Madaxda waxey doonayaan iney hubsadaan ansixinta heshiiskii danta umadda loo arkay ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.