Dowladda Oo Ka Hadashay Diyaaradii Ku Dhacday Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad nooca xamuulka qaado ah oo saakay ku dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili ay dooneysay ay ku degto Garoonka.
Sii-hayaha Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Maxamed C/llaahi Salaad Oomar oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in diyaarad xamuul ah ay ku dhacday Garoonka Aadan Cadde, ayna la socdeen 4 ruux oo shaqaale ah.
Waxaa uu sheegay Wasiir Oomaar in shaqaalihii saarnaa diyaaradda lasoo badbaadiyay, kadib markii gurmad si deg deg ah loogu sameeyay, waxaana la sheegayaan in dhaawacyo fudud ay soo gaareen.
Diyaaradda ayaa markii hore Magaalada Baladweyne u qaaday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa 4-qof oo duuliyeyaasha iyo shaqaale isugu jira.
Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Sky ward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay Afaafka hore ee derbiga ku wareegsan Garoonka Aadan Cadde, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday, iyadoo ay waxyeelo kasoo gaartay qeybta laga wado diyaaradda.