Gudida Xilwareejinta Raiisul wasaaraha Cusub ee Somalia oo La Magacaabay

Guddiga Xilka Wareejinta Ra’iisul Wasaaraha Cusub Oo la Magacaabay

ii hayaha xilka Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magacaabay guddi ka shaqeyn doona xil wareejinta raiisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Guddiggaan ayaa waxaa ka mid ah siihayeyaasha xilka Wasiirada Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Gaashandhiga, qorsheynta, dastuurka, duulista hawada iyo caddaalada.

Guddiggaan ayaa lagu waddaa in ay ka shaqeeyaan sidii xilka loogu wareejin lahaa Ra’iisul wasaaraha cusub.

Waxaa xusid mudan in guddiggaan aysan ku jirin wasiiraddii saameynta kulahaa xukuumaddii Kheyre oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker