Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo si adag u difaacay Dawlada Madaxwayne Farmaaja

Muqdisho (OWN) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo u warramayey warbaahinta ayaa si kulul ugu jawaabay Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo dhowaan eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Salaad Cali Jeelle oo lagu tiriyo siyaasiyiinta taageersan Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana banaanka ka difaaca dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Madasha Xisbiyada Qaranku ay iska hor keeneyso ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in hoggaanka Madasha ay doonayaan in xilligan la galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Siyaasiga Salaad Calaad Jeelle oo hadalkiisa sii wata ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Madasha ee ahaa inay dhisayaan dowlad gaar ah, haddii aysan dowladdu ka shaqeyn arrimaha doorashada iyo deganaashaha dalka.

 

 

“Inaad colaad ugu baaqdo inay dadku kala tegaan oo ay is-fargaran waaayaan inaad dhiiro-geliso runtii waa arrin aad looga xumaado.” ayuu yidhi Salaad Cali Jeelle.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalladaas iyo digniinta aan loo meel-dayin ay ka dhalan karto cawaaqin xumo, loona baahan yahay in laga feejignaado.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay si adag uga hadleen xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrinta doorashada 2020 illaa 2021-ka, iyaga oo si gaar ah kali-talisnimo ugu eedeeyey Madaxweyne Farmaajo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker