Hay,adda QM ee Unicef oo u Doodaysa Wiil 13 Sano jir ah oo Garsoorka Nayjeeiya Xukumay

Hay`adda UNICEF ayaa ugu baaqday dowladda Nigeria inay dib u eegto go`aanka maxkamad Islaami ah ay toban sano oo xabsi ah ugu xukuntay wiil 13 jir ah oo lagu eedeeyay inuu aflagaaddeeyay diinta Islaamka.

Hay`adda ayaa sheegtay in xukunkaasi uu ka soo horjeedo qaanuunka xuquuqda carruurta ee ay Nigeria saxiixday.

 

Wiilkan 13 jirka ah ayaa horraantii bishii hore la xukumay. Waxaa lagu eedeeyay inuu wax ka sheegay Ilaahay xilli ay doodayeen saaxiibkiis iyagoo ku suganaa gobolka waqooyiga dalkaas ku yaalla ee Kano. Waxaa la sheegay inuu xukunkaasi racfaan ka qaadanayo.

UNICEF ayaa ka dooneysa maamulka gobolka iyo dowladda federaalka inay dib u eegaan kiiska.

 

Kano wuxuu ka mid yahay labo iyo tobanka gobol ee Nigeria ee ay ku xooggan yihiin Muslimiinta, kuwaas oo lagu dhaqo shareecada Islaamka iyo sharciga kale ee dalka. Keliya Muslimiinta ayaa lagu maxkamadeeyaa kuwa Islaamiga ah. Xukunnada waxaa ka mid ah garaacid, xubnaha oo laga jaro qofka iyo xukunka dilka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker