Dawlada Taiwand oo sheegtay inay Cadaadis badan kala Kulantay Xidhiidhka ay La Samaysatay Somaliland

Hargeysa (OWN) โ€“ Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan Joseph Wu ayaa sheegay inay cadaadisyo xoogan kala kulmeen Xidhiidhka cusub ee ay la sameysteen Somaliland, xili uu dhawaan ka qeyb galay munaasibadda furitaanka xafiiska Somaliland ee Taipei.

 

 

Taiwan ayaa culeyso xoogan oo dhanka dibedda ah kala kulantay xiriirkeeda Somaliland, taasi oo ay diyaar u yihiin u dhabar adeygidooda, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumaddaasi.

 

 

Joseph Wu ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Somaliland iyo Taiwan wadaagaan qiyamka guud, isla-markaana ay Taiwan ka caawinayso Somaliland horumarinta Kalluumaysiga, Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo horumarineed.

โ€œXafiis-wakiilkeedka Somaliland ka furatay Taiwan wuxuu baal cusub u furayaa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwanโ€ ayuu yidhi. Wu.

Wuxuuna intaas kusii daray โ€œLabadayada dhinac waxaanu la kulanay Cadaadisyo dibedeed, laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu difaacnoโ€.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa meel adag iska taagay Shiinaha, iyada oo kasii dartay maadama ay Taiwan si rasmi ah xafiiskeedii uga furatay Hargeysa, halka Somaliland uga furatayย  Taipei, iyada oo uu diidan yahay Shiinuhu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker