Gabadh Boolis Ah Oo Lagu Eedeeyey Inay Dishay Laba Nin Oo Laga Raadinayo Dalka kenya

Booliska dalka Kenya ayaa baadigoob ugu jira gabadh  boolis ah oo lagu eedeeyay inay dishay laba nin, kuwaas oo la sheegay in horraantii todobadkan  ay toogatay, mid ka mid ah labada nin ayaa boolis ahaa.

gabadhan  oo lagu magacaabo Caroline Kangogo, ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ah.

Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, ilaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay.

Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah gabadhan  ayaa waxay ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh .

Waxaana la sheegay inay toogteen gabadh kale oo Caraline ula ekaatay, halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan.

 

https://www.youtube.com/watch?v=PC3wtrKfiKA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker