Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Shirka Shidaalka Soomaaliya Ee Magaalada London.

Ururka Al-Shabaab ayaa si adag uga hadashay shirka shidaalka Soomaaliya ee ka furmay magaalada Londonee dalka Ingiriiska .

Sheekh Cali dheere oo ah Afhayeenka Al Shabaab oo warbaahinta taageerta Ururka Alshabaab lahadlay ayaa sheegay in shirkaasi yahay mid lagu doonayo in lagu dhaco dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ognahay in la qorshaynayo shir ladoonayo in lagu xaraasho shidaalka Soomaaliyeed uu ka dhaco magaalada London waxaan leenahay wax walba oo kasoo baxa shirkaas waa xaaraan mana suurtageli doonto in hagardaamadaas laga dhaqan geliyo dhulka Soomaaliyeed, kuwa gaalada ah ee usoo hanqaltaagay qorshahaas boobka shidaalka soomaaliyeed ah uma suurtagelayo” ayuu yidhi Sheekh Cali dheere.

Waxaanay Ururka Alshabaab ku hanjabtay in shisheeyaha boobka ku haya dhaqaalaha Soomaaliya ay dagaal adag lagelayso,isbuucaan gudihiisa ayay aheyd markii weerar ka dhacay Boosaaso lagu dilay maamulihii shirkadda DP World.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker