Ninka labaad ee ugu cad cad doorashada Turkiga oo sheegay in Ruushku ka faafinayo muuqaallo

Kemal Kilicdaroglu, oo ah hoggaamiyaha xisbiga dadka, ahna musharraxa ugu weyn ee la tartamayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee doorashadii madaxtinimada ee dalka Turkiga, ayaa ka qeyb galay olole doorasho oo ka dhacay magaalada Samsun, isagoo xirnaa jaakadaha aanay karin xabadaha.

Muuqaalo laga soo qaaday ilaaladiisa, ayaa sidoo kale muujinaya iyaga oo masraxa saaran, kuwaasoo ku hubeysan qoryo.

Waa markii ugu horeysay intii lagu jiray ololaha doorashada, ee heer ilaalo oo inatan gaarsiisan lagu arko Kilicdaroglu.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xisbiga Kemal, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in “la helay xog ku saabsan in isagu yahay bartilmaameed weerar la damacsan yahay in lagu soo qaado”.

Kilicdaroglu ayaa laftiisu sheegay in aanu soo jeedin eedaymahan oo kale haddii aanu hayn “dokumentiyo cad cad oo la taaban karo” oo la xiriira sheegashada.

Musharaxa ugu weyn ayaa ku eedeeyay mucaaradka Ruushka inay baahiyeen muuqaal been abuur ah oo ku saabsan galmada Muharram Inje, qof ay isku xisbi ahaan jireen iyo musharaxa kale.

Kilicdaroglu ayaa ku eedeeyay xukuumadda Moscow inay faragelin ku hayso doorashada Turkiga.

Wuxuu intaa ku Daraya “Faragelinta waddan kale uu ku hayo arrimaha gudaha ee Turkiga, waa mid aan la aqbali karin, hadday doorashada socoto iyo hadday tahay waqti kaleba, doorasho ayaanu qabanaynaa, gabi ahaanna lama aqbali karo in faragelin lagu sameeyo dalka Turkiga. Taasoo waa fara galintee, oo u janjeerta xisbi siyaasadeed,โ€ ayuu yiri.

Dowladda Ruushka ayaa beenisay inay wax faragelin ah ku sameysay doorashada Turkiga, iyo sidoo kale iney kaalin ku laheyd baahinta muuqaalka musharax kale.

Muharram Inge, ayaa isaga haray doorashada shalay, kadib muuqaal muujinaya isagoo galmo sameynaya.

Inge ayaa shan sano ka hor ahaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga, kaasoo la tartamay Erdogan, balse waa laga guuleystay, inkastoo lagaga guuleystay codad la yaab leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker