Shir-madaxeedka Carabta Oo Maalintii Labaad Ka Socda Tunisia

Shir madaxeedka Carabta ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo shalay ka furmay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia ayaa maalintii labaad galay waxaana ka qeyb galaya Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed.

Dhowr madaxweyne iyo Wafdi ka socda dalalka Carabta ayaa ka qeybgalaya shirka,waxaana ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Lubnaan,Michel Aoun,Yemen Abd Rabbo Mansour Hadi, madaxweynaha Ciraaq Barham Saleh iyo Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah,sidoo kale madasha shirka waxaa ku sugan, madaxa Golaha sare Imaaraadka Carabta Sheikh Hamad bin Mohammed al-Sharqo,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyo Madax kale oo aad u fara badan.

Shirkan ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa dhowr arrimood oo ay ku jiraan arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker