‘’Gudigan Uu Farmaajo Magacaabay Waxaan U Arkaa In Soomaaliya Wada-hadal Diyaar U Tahay ‘’ Prof Ismaaciil Buubaa

Siaasi Prof Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay guddida uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalka soomaliland.

 

Siyaasi Buubaa ayaa sheegay in guddidan uu magacaabay madaxweynaha soomaaliya ay ka shaqayn doonaan qaabka ay dawlada Muqdisho iskugu diyaarinayso miiska wada hadalka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Guddida aynu maqalnay ee madaxweynaha soomaaliya ku dhawaaqay waa guddi uga shaqaynaysa sidii ay wada hadalada u gali lahayd soomaaliya, macluumaadka ay u baahan yihiin inay si fiican u soo darsaan iyo qodobada ay la imanayaana sida ugu haboon ee ay u soo jeedin karaan, iyada oo dawladuna doonayso in dunidu ogaato in dhinacooda ay diyaar u yihiin inay wada hadalo la bilaabaan somaliland.”

Siyaasi Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay isbadalada laga filan karo wada hadalka labada dhinaca waxaanu yidhi “Marka la bilaabo shaqada ee cid waliba ay si wanaagsan isku diyaariso ayaa laga hadli karaa waxa isbadali kara iyo waxa iman kara, muhiimaduna waxa weeyaan in marxalada lagu jiro ay cid walba isku diyaariso wada hadalka, waxaanay labada dhinac u baahan yihiin in si wanaagsan looga soo shaqeeyo wada hadalka iyo halka lagu wada hadlayo laakiin cida galaysa wada hadalka iyo sida loo gali doono taasi waxaa weeyaan wixii guddidan loo igmaday somaliland way u baahan tahay in dhinaceeda ay ka fikirto cidii arimahan ug shaqayn lahayd.”

 

Siyaasi Buubaa oo fariin u diraya xukuumada somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa laga yaabaa in wasaarada khaarijigu ay arimahaas wado laakiin waxa loo baahan yahay in guddi balaadhan oo la odhan karo wasaarada arimaha dibada ayey hoos iman kartaa arintan loo saaro, guddidan ay soomaaliya magacawdayna waa iyada oo muujinaysa inay diyaar u tahay wada hadalka.”

 

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay sida uu ua rko jawaabta ay somaliland ka bixisay guddida uu magacaabay madaxweyne Farmaajo “Somaliland faalooyinka badnaa waxay la xidhiidheen wada hadaladu sidee ayey noqonayaan taasna wakhtigeedii lama joogo, imikana waa in la fahmaa guddidan ay soomaaliya soo saartay taas oo shaqadoodu tahay in dhinacooda ay isku diyaarinayaan wada hadalka iyo dadkii u qaban qaabin lahaa, dad badana waxay u qaateen in guddidani ay tahay mida wada hadalka u qaabilsan, balse guddidani waa tii diyaarinaysay wada hadalka, marka guddida dhigeeda ah la sameeyo ayaana sida loo wada hadalyo, halka lagu wada hadalyo, dadka wada hadlaya, cid walba cida haddii ay meesha ku arkaan ay qaswadayaal ka noqonayaan iyo arimo fara badan oo wakhtigooda iman doona ayaa jira.”

 

Ugu dambayn Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in wada hadalku dan u yahay labada dhinacba “Waa lagama maarmaan in wada hadal yimaado goor uu yimaadaba, guddida dhinacooda laga sameeyey iyo dhinaceena cida ku hawl leh arimahaas wada hadalka iyo sida loola xaalayo soomaaliya ayey ku xidhan tahay iyo wakhtiga ku haboon laakiin anigu shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay shakhsi ahaan in wada hadalku faa,iido u yahay somaliland iyo soomaaliya caalamkuna culays badan saari doono.”Ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa oo u waramay Saabtv.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker