Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Gobolka Axmaarada.
Dhakhaatiirta ku sugan magaalada Bahirdar ee xarunta gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada dowladda.
Dhaqtar ku sugan isbitaalka weyn ee magaalada ayaa sheegay in dhaawacyada ay ku jiraan dad da’ ah iyo ilmo shan bilood jira.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaatka ay la wareegeen gacan ku heynta xabsiga islamarkaana ay siidaayeen maxaabiis. Xiisada ayaa sare u sii kacaysay tan iyo bishii April markii ay dawladu ku dhawaaqday in ay burburinayso ciidamada gobolka ee guud ahaan dalka Itoobiya, taas oo keentay mudaharaadyo ay dhigayaan qoomiyadaha Axmaarada oo sheegay in talaabadani ay wiiqayso gobolkooda.