Filimka Netflix ee adduunka qabsaday balse ay ceebta kasoo noqotay.
Musalsalka lagu magacaabay Squid Game, oo ah filim ay shirkadda Netflix kasoo sameysay Kuuriyada Koonfureed, ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay qabsaday hadalheynta caalamka.
Filimkan ayaa ku saleysan wax loo ekeysiiyay ciyaar carruureed oo qofkii ku guul darreysta la dilayo.
Inta uu filimka socdo waxaa dadka ka qayb galaya ciyaartaas la siinayaa warqad uu ku qoran yahay telefoon lambar ay kala soo xiriiri karaan shirkadda, haddii ay diyaar u yihiin barnaamijkaas.
Hase yeeshee waxaa hadda soo baxday in lambar filimka dhexdiisa lagu adeegsaday uu dhab ahaantii yahay mid ay haweeney si sax ah u isticmaasho.
Kumannaan kun oo qof ayaa haweeneydaas lambarkeeda soo garaacay, iyagoo doonaya inay ku biiraan ciyaarta, una maleynaya inay shirkaddii tahay.
Haweeneydan ganacsatada ah ayaa sheegtay inay dhibaato badan ku qabto telefoonkeeda.
Netflix ayaa sheegtay in ay dib u habeyn doonto filimka, ayna kasoo jari doonto lambarka lagu khaldamay.