Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya Oo Xilkii Laga Qaaday
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta Wariye Maxamed Abuukar Ma’da u magacaabay Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka.
Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.
Maxamed Abuukar Ma’da oo muddo ka tirsanaa Warbahinta Qaranka ayaa soo qabtay xilal kaladuwan,isagoo ka soo shaqeeyey qeybaha warbaahinta waaxyeheeda.
Ma’da waxaa uu Horay u soo qabtay Tifaftiraha Warbaahinta Qaranka ,sidoo kale waa qabiir saxaafadeed oo in muddo ah soo shaqeeyey.
Wasiir Daahir Maxamuud Geele