Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Ballan-qaaday In La’Joogtayn Doono Tababaradda Dhinaca Luuqadaha Ee La Siinayo Shaqaalaha Dawladda.
Hargaysa: (OWN)-Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somailand,Farxaan Aaddan Haybe,ayaa maanta ka qeyb-galay kullan u qabsoomay qaabka fogaan-aragga ah ee loo yaqaano (Virtual Meeting) oo ay kasoo qeyb-galeen Xubno ka tirsan Mac-hadka Dawladda ee CSI,kuwaas oo dhamaystay Tababarka Tababarayaasha ee luuqada Ingiriirisadda oo la doonayo inay kor-u-qaadaan aqoonta Shaqaalaha Dawladda ee dhinaca Luuqadaha Ajnabiga ah sida English-ta,iyada oo mustaqbalka dhawna la’qorsheeyay in Mac-hadka Dawladda lagu soo kordhiyo Barashadda Luuqadaha Carabiga Iyo Faransiiska.
Gudoomiyaha Ha’yadda shaqaaahu,waxa uu sheegay inuu ku rejo weyn yahay in Tababaradda Dhinaca Luuqadaha ee Mac-hadka CSI-du noqon doonaan qaar joogto ah,kuwaas oo ka caawin doona shaqaalaha Dawladda inay xidhiidh la sameeyaan; Maalgashadayaasha,Dalxiisayaasha,Haay’adaha Caalamiga ah,isla-markaasna ay kaga qeyb-qaadan karaan Fidinta dedaalka Aqoonsi-raadineed ee Jamuuriyadda Somaliland.
Gabo-gabaddii,waxa uu Gudoomiyuhu si balaadhan ugu mahad-naqay Mac-hadada ka taageeraya Mac-hadka Dawladda Hir-galinta Barnaamijiyadan oo ay ugu horeeyaan Mac-hadka GIMPA ee Dalka GHANA iyo Hay’adda ACH ee Dalka Ingiriiska.
Xafiiska Xidhiidhka Wasaaradaha,Hay’adaha Iyo Saxaafadda ee CSC.