Afgembi Ka Dhacay Dalka Mali , Iyo Madaxweynaha Iyo Raysal Wasaaraha Dalkaas oo La Xidhay
Milatariga waddanka Mali ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynaha dalkaas Ibrahim Boubacar Keïta.
Xadhigga madaxweynaha, oo dhacay maanta oo Talaado ah, ayaa yimid saacado kaddib markii uu kacdoon dowladda looga soo horjeedo ka billowday saldhigga milatariga ee Kati.
Ibrahim Boubacar Keïta oo ku sugnaa gurigiisa ku yaalla xaafadda Sebenikoro ee magaalada Bamako ayay xidheen askar ka tirsan ciidamada gadooday, saacaddu markii ay ku beegneyd 4:30 p.m. waqtiga maxalliga ah.
Wuxuu xilligaas madaxweynaha la joogay Ra’iisul Wasaaraha Mali, Boubou Cissé iyo wiilkiisa Karim Keïta, oo ah madaxweyne ku xigeenka.