OODWEYNENEWS OF MAALINWALBA GACAN HORLEH BURBURKA INTA KA-SII-HADHAY AFKA REER-SOOMAALE [AF-SOOMAALI-GA].

Uunka Reer-soomaale ah ee dhegesta werinta la-socotta ”youtuyuub-ya-da”
waxa ay maalinkasta maqlaan nin weriye ahoo si laga-hunqaaco ugu-celcesha eray-yo ay ka-mid-yihiin kuwan soosocda: IYO-SIDOO-KALE,ISLA-MARKAASNA, IYO SIDOO KAL, ISLA-MARKAA-NA, IYO SIDOO KALE, ISLA MARKAANA.
Intaas waxa dheer in ninkaasi uu weriya-yaa-sha kale la-wadaago aqoon aanu u-lahayn : 1. Xeerar-ka Af-ka Reer-soomaale [Af-soomaali-ga!!!], maxaayeelay
weriy-yaa-sha kalena waa kuwa ka-sii-daran oo aan sinaba kudhaamin hawsha weriye-nima-da ah
2. Waxa laga yaabaa in issaga iyo kuwa kale ee aynu ka maqallo youtuyuubyada ay isu haystaan war’urursha-yaal, se meherad’ahaan, waa duul lagu-magcaabi-karo ookeliya ‘BOOBSII-YA-YAAL’ MAXAAYEELAY duul kaas oo dhammi midina kama uu soobixin ururis/isu-keento {jaamicad!!!] lagu-barto ”warar’ururin-ta [saxafaad-da] oo ay kamid-tahay warar-faallayn-ta. Ninka keliya ee Hargeysa jooga ee saxaafadda sia dhabta ah uyaqaan waa halgame Yusuf Gaboobe.
Arrinta kale ee aan qormadan gaaban kaga hadlayaa oo aan odweyne news kudhalliila-hayaa waa qorid-da wararka iyo burburinta xawliga ah ee ba’an ee ay ugeystaan inta kasii-hadhay wixii la’odhan jirey Afka reer-soomaale.
Tsaale’ahaan, wax warar-qor-ka ka-muuqatta in kuwa wararka qoraa aanay garanahayn waxa lagu-magcaabo : KALA-WAD-KA ERAY-YA-DA.
WARAR-QORA-YAAL-KUSHEEGGAASI WAXA AANAY AQOON IN XEERARKA AFKA REER-SOOMAALE AY KA BILAABMAAN 1. FAL SEES AH OO KALA BAXA FAL CASHA-KASTA JOOGA, JOOGA, FAL HADDAN JOOGA IYO FAL TEGEY. SIDAAS DARTEED, WERI-YAA-SHA OODWEYNENEWS IYO WERIYA-YAASHA MAREEGAHA KALEBA WAXA AY KU-CELCESHAAN: MADAXWEYNAHA AYAA ISKU-SHANDHAYN SAMEEYAY. WAA WAR-QORID GEF IYO GURRAC AH. KOLKA AAD WARKA CAYNKAAS AH QORAHYSID, WAA INAAD TIDHAAHDAA:MADAXWEYNE HEBEL AYAA GOLAHA XOGHAYA-YAA-SHA QARANKA {SECRETARY OF STATES] SHAANDHEEYAY. WAXA AAD KALE OO AAD ORAN-KARTAA: MADAXWEYNE HEBEL AYAA QAAR KAMIDA XOG-HAY-YAA-SHA QARANKA KA-QAADAY/KALA-NOQDAY/KA’ERYAY
XILKA. WAXA AYNU NAQSANNAA WARAR-QOR GEF AHOO DHAMMAANT OO KUDHAMMAADA ERAYGA ‘SAMEEYAY/SAMAYAY. SEESKA FALKU WAXA UU LEEYAHAY QAAB LOO-KALA-WADO [INFLECTION/CONJUGATION]. TUSAALE’AHAAN FALKA SEESKA ”SHAANDHAY’ WAA SEES, ISHIISUNA WAA ”SHAANDHAYN”, WUXUNA UKALA BAXA-HAYAA CAYNKAN SOO SOCOTTA: WAA AAN SHAANDHAY-YA [SHAANDHEEYAA],
WAA AAN DHAANDHAY-NA-HAYAA, WAA AAN SHAANDHAY-YAY/SHAANDHEEYAY [OO IDIL-KOOD AH XILL-FALEED FIR-FIRCOON].
KOLKA AAD QORAYSID FALAL AAN FALOHOOFDU GEDMAN-YAHAY OO AAN LA GARANAHAYN,WAXA AAD QORAHAYSAA: GOLE AYAA LA-SHAANDHEEYAA/LA-DHAANDHAYNA-HAYAA/LA-DHAAN-DHEEYAY OO AH DHISMO’AFEEDKA TILMAAMAHAYA ‘QAABKA AAN FIFIRCOONAYN”.
MAAHA INAAD WEEDH-WALBA KU GUNAANADDID SIDATAN GEKA IYO GURRACA AH EE AYDIN KU BURBURISAAN AFKEENNA”HEBEL BAA XURIYAD-DIISII LOO SOO CESHAY WAA GEF. WAXA TOOSAN INAAD TIRAAHDID “HEBEL WAA LA-SIIDAAYAY. WAA GEF INAAD TIRAAHDID : HEBEL BAA MEEL DALKA GUDIHIISA AH SAFAR UGU BAXAY. WAXA TOOSAN INAAD TIRAAHDID HEBEL AYAA MEEL HEBLA GAADHY/UBAXAY/USADCAALAY/YARE-GAARAY. IYO SIDOO-KALE WAA GEF, WAXA AAD ODHANKARTAA ”IYO”. LOOMA BAAHNA INAAD TIRAAHDID ”SIDOOKALE” . KU-CEL-CELINTA AH: ISLA-MARKAAS-NA, WAXA AAD KU-GED-GEDIYI-KARTAA: ISLA-KOL-KAAS-NA, ISLA-HADDAAS-NA, ISLA-JEER-KAAS-NA.
OODWEYNENEWS WAXA AAN KA KAALMAY -KARAA TOOSINTA IYO HAGAAJINTA QAABKA QAL-QALLOOCA EE GEKA IYO GURRACA BADAN EE AY USOO QORAAN AF-KA-REER-SOOMAALE {AF-SOOMAALIGA!!!!!],
HADDII AYDIN DOONAHAYSAAN. WAXA KALE OO XUSID MUDAN IN MAREEGAHA KALE AY IDIN KALA SIMAN YIHIIN WARAR-QORKA WADA-GEFKA AH.
QORE: SAALAX CALI.
mohamedsalehali524@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker