Soomaalidu tuugeeda siyaasiga ah iyadoo qabiil ku difaacaysa agteeda waxa uu ka yahay halyeey.
Subaxii Inta u dhexaysa 6da ilaa 7da waxay ii tahay saacad muhiim oo aan ku daalacdo amaba ku dhegaysto wararkii ugu danbeeyay ee dunida, warka ugu weyn ee saaka la hayaa waa raysal wasaarihii hore ee Malasia Najib Razak oo lagu helay ilaa 7 denbi oo ah dhac iyo ku takrifal awoowdeed oo uu gaystay intii uu hayay xukunka waxaana la xaqiijiyay in ka badan 1 bilyan dollar ay iyo mashaariic kaleba uu lunsaday masuulkan hore kaasi oo ka hor qirtay maxkamada horteeda.
Warkii intaa kuma dhamaane dhacdadan kale ee daba taalay saaka ayaaba ka sii darnayd taasi oo ahayd dalka yar ee Malawi ee dhaca Koonfurta qaarada Afrika ayaa iyana waxa dhacday in madaxweynihii talada lagaga guulaystay doorashadii dhawaan dhacday isna loo haysto lacag balaayiin dollar iyo dhagax dhiga mashaariic tiro badan oo lacagtoodii ay cuneen dad ehelkiisa iyo guulwadayaal ka agdhawaa ahaa waxaana hogaamiyaha cusubi taaganyahay maxaan dalkaba maamule shuftadii iga horaysay ayaa cagta marisaye.
Hogaamiyaha hore iyo qolyihii lacagta la cuntayba maxkamad ayaa dhawaan lagu furayaa iyana.
Waar maxaa yaab isdabayaal!!!!!!!!!!
Maxamed Cawad Maxamed