Raysal Wasaarihii Hore Malaysia Oo Lagu Helay Dembiyo La Xidhiidha Musuqmaasuq.
Raysal wasaarihii hore ee Malaysia, Najib Razak ayaa lagu helay dhammaan toddobo dembi oo loo heystay, kuwaas oo la xidhiidha musuqmaasuq.
Najib oo loo heystay in uu lunsaday malaayiin doollar ah ayaa sheegay in aanu gelin wax dembi ah oo la xidhiidha musuqmaasuq, ku takrifal awoodeed iyo aaminaad darro.
Kiiskan ayaa loo arkayay mid tijaaba u ah dhaqan-galka sharciga dalkaas iyo dedaalada lagaga hortagayo musuqmaasuqa.
Fadeexadda la xidhiidha kiiskan ayaa la aaminsan yahay inay bannaanka soo dhigtay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq baahsan oo la sheegay in sannadihii dambe ay ka jirtay gudaha dalkaas.
Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ee la xidhiidha arrintan ayaa lagu sheegay in lacag dhan 10 milyan oo doollar lagu shubay akoonka gaarka ah ee Najib Razak oo ra’iisul wasaare ka ahaa Malaysia sanadihii 2009 ilaa 2018-ka.
“Kaddib markii aan qiimeynay caddeymaha la xidhiidha arrintan, waxaan noo caddaatay in dacwad oogaha uu soo bandhigay caddeymo lagu qanci karo,” ayuu yidhi garsooraha maxkamadda Kuala Lumpur Maxamed Nazlan.
Najib waa uu beeniyay in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna intaa ku daray inay si khaldan ula taliyeen lataliyeyaashiisa arrimaha dhaqaalaha.
Dembiga lagu helay ayaa sharciga dalkaas waxaa uu dhigayaa in uu ku muteysan karo 15 ilaa 20 sano oo xadhig ah. Kahor inta aanan lagu dhawaaqin, Najib waxaa uu sheegay in haddii dembi lagu helo uu racfaan ka qaadan doona.
Lacagta la lunsaday ayaa ahayd mid loogu talagalay in lagu horumariyo dhaqaalaha wadankaas, waxaana laga soo uruuriyay shacabka wadanka Malaysia.
Sanadkii 2015-ka, dowladaha Malaysia iyo Mareykanka waxay sheegeen in lacag dhan 4.5 bilyan oo doollar laga soo bixiyay qasnadaas, lacagtaasina ay gashay jeebka shakhsiyaad.
Lacagahan la lunsaday ayaa la sheegay in lagu iibsaday guryo, diyaarado gaar ah iyo waxyaaba kale. Intii uu xilka hayay, Najib waxaa laga nadiifiyay dhammaan dembiyada haatan lagu helay.
Haseyeeshee eedeymaha xilligaas loo jeedinayay waxay qeyb weyn ka qaateen arrimaha doorashooyinka, waxana markii ay timid dowlad cusub lagu bilaabay baadhitaan la xidhiidha arrintaas.
Sidoo kale xaaska Najib Razak, Rosmah Mansor ayaa iyaduna wajaheysa wax isdaba marin iyo in ay la dhuumatay canshuur la rabay inay bixiso, eedeymahaas oo ay sheegtay in aysan gelin.