Maxkamada Ku Dhawaaqday Magaca Madaxwynaha Cusub Ee Dalka Burindi

Maxkamada ugu sareysa dalka Burundi ayaa soo saartay go’aan looga gol leeyahay in lagu so afjaro Muran  dhanka awoodda ah oo ka dhashay  geeridii lama filaanka ahayd ee Isniintii ku timid Madaxwayne Pierre Nkurunziza.

 

 

Maxkamada dastuuriga ee dalkaasi ayaa sheegtay in madaxwaynaha la doortay Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

 

Sharci ahaan, afhayeenlka baarlamaanka dalkaasi, Pascal Nyabenda, ayay ahayd in uu noqdo hogaamiyaha kumeelgaarka ee dalkaasi.

 

 

Balse golaha wasiirada dalkaasi ayaa arrintan u gudbiyay maxkamadda islamarkana Mr Ndayishimiye ayaa imika noqonaya madaxwaynaha labo bilood ka hor xilligii ay ahayd in uu xilka la wareego.

 

 

Waxaa xilka madaxwaynanimada loo doortay bishii May si uu u badalo Nkurunziza, oo xilka hayay muddo 15 sano ah.

 

 

Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi ayaa waxay sheegeen in xilliga kumeelgaarka ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay.

 

 

Mr Nkurunziza ayaa awoodi karay in uu u tartamo doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii aanu soo dhaafnay, balse go’aansaday in uu siyaasada ka fariisto.

Dowladda ayaa sheegtay in uu madaxwaynaha uu dhintay ka dib markii uu wadnuhu istaagay.

 

 

Ilo ku dhow dhow qoyska madaxweynihii geeriyooday ee Burundi ayaa xaqiijiyay in dhimashadiisa ay daba socotay kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker