Midowga Yurub iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis gaas
Midowga Yurub ayaa dalka Azerbaijan la saxeexday hishiis isfahan hordhac ah oo lagu jibaarayo gaaska dabiiciga ah ee ay kala soo degaan waddankaasi.
Heshiiska ayaa u ogolaan doona in Midowga Yurub uu Azerbaijan gaaska kasoo iibsado ilaa sannadka 2027-ka, iyada oo kharajka ku kacayana uu gaari doono balaayin dollar.
Midowga Yurub ayaa bilihii dhowaa isku dayayey inuu yareeyo ku tiirsanaanta gaaska Ruushka, si dhaqaalaha looga yareeyo Moscow sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine.