Halista dagaal Ethiopia iyo Kenya ku dhex-mara gudaha Somalia oo sii xoogeysatay

 Xiisadda u dhaxaysa ciidanka daacadda u ah Dowladda Faderalka ah iyo kuwa raacsan maamulka Jubbaland waxaa ay xasarado ka  Abuuri kartaa geeska Afrika oo dhan, sida Kooxda Calamiga ah ee Xasaraha ay ku sheegeen warbixin cusub oo ay soo saareen.

 

 

 

Qeybaha ku sugan gobolka Gedo waxay muujinayaan khalad siyaasadeed, kaasi oo siyaasadda heer qaran u bedelaya xiisad qabiil, isla markaana Soomaaliya u abuuraya xasilooni darro.

 

 

Khilaafka salkiisu waa xiisad u dhaxaysa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

 

 

 

Xaaladda waxaa sii xumeeyay is-maandhaaf u dhaxaya dalal ka tirsan howlgalka, kuwaas oo ciidamo ay ugu jiraan kuwa Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta, waa Midowga Afrika ee AMISOM.

 

 

Labada awoodood ee gobolku midna ma doonayo dagaal toos ah. Laakiin khilaafkoodu waxaa uu Soomaaliya ka abuuri karaa colaad dhaawac geysaneysa, isla, markaana cawaaqib lama filaan ah ku yeelaneysa xasiloonida Gobolka.

 

 

 

 

Inkastoo ay kawada tirsanyihiin AMISOM, Ethiopia iyo Kenya hadda waa ay iska soo horjeedaan markii ay timaado xulufo ka sameysiga Soomaaliya dhexdeeda. Labada Wadan waxay Jubbaland la leyihiin taariikh iskaashi, taasi oo la Xidhiidha amniga xuduudaha. Waxay labaduba lacag ku bixiyeen heshiiskii 2013-kii Axmed Madoobe looga dhigay hoggaanka Jubbaland.

 

 

 

Laakiin dan walba oo ay Gobolka ka wada lahaayeen hadda waa ay dhamaatay, Ethiopia waxay taageereysaa Madaxweyne Farmaajo, Kenyana waxay adkeyneysaa xiriirka ay la leedahay Axmed Madoobe. Labadaan wadan ee iska soo horjeeda waxay jabinayaan is-heysiga iyo midnimadda AMISOM, waxayna fursad siinayaan Al-shabaab.

 

 

Heerka isfahmi-waaga waxa uu billowday 22-kii bishii Augost sanadkii 2019-kii, maalintii doorashadda Axmed Madoobe, markii diyaarad siday ciidan Ethiopian ay isku dayday in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, balse ay hor istaageen ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya.

 

 

 

 

Sababta koowaad ee khilaafka u dhaxeeya Addis Ababa iyo Nairobi waxaa ay la xiriirtaa isbedelka siyaasadeed ee Ethiopia. Markii uu xafiiska la wareegay Abiy Axmed bishii April sanadkii 2018-kii, waxaa isku dayay in uu dib u qeexo xiriirka Ethiopia ay la leedahay Soomaaliya, isagoo muhiimad siinaya iskaashiga Muqdisho.

 

 

 

Waxaa uu sidas u sameeyay isagoo rajaynayay  in uu sii kordhiyo is-dhexgalka gobolka iyo xirirka ganacsi, waxaana uu rumeysnaa in Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xalin karto arrimaha aan tirsiga lahayn ee wadanka.

 

 

 

Xiriirka adag ee Ethiopia ay la leedahay Farmaajo waxaa uu noqday mid toos ah, waxaana uu cagsi u bedelay taageeradii maamullada hoose, maleeshiyaadka qabaa’ilka, jilaayaasha siyaasadda ee Soomaaliya.

 

 

 

Ciidan Ethiopian ah oo la geyay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, isla markaana howlgallo ka sameeyay ayaa keentay in mucaaradka Farmaajo ay ku eedeyaan in uu ku tiirsanyahay Ethiopia, si ay u taageerto qorshihiisa.

 

 

 

Howlgaladaas waxaa ka mid ahaa, soo xiristii musharixii Koonfur Galbeed ee Mukhtaar Rooboow Abu Mansoor bishii December sanadkii 2018-kii, ciidamadii la geeyay Galmudug dabayaaqadii 2019-kii iyo dhaq-dhaqaaq ciidamadda Ethiopia ay ka sameynayeen Gedo, tan iyo bishii March 2020.

 

 

 

Dhaq-dhaqaaqa ciidanka Ethiopia ee Gedo waxaa ay muujineeysaa in Ethiopia ay taageereyso damaca ay Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ku raadineyso Dowlad dhexe, sida ay International Crises Group ku sheegtay warbixinteeda.

Qodobbo  maxalli ah ayaa door ka cayaaraya xisaabta Ethiopia ee Gedo. Axmed Madoobe waxaa uu jeclaa xiriirka xisbiga Tigreega ee TPLF, kaasi oo awoodda ugu badan ku leh xisbiga talada haya ee Ethiopia.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed awoodda la wareegay, xisbiyada kala ah Prosperity Party, iyo TPLF waxay noqdeen mucaarad. Waxaa intaas dheer in Axmed Madoobe uu sii heystay xiriirkii uu la lahaa ONLF oo ahaa mucaaradkii hore ee Dowladda Ethiopia, hadana ah mucaaradka ugu weyn ee Abiy Axmed uu ku leeyahay gobolka Soomaalida. Iskaashiga uu Axmed Madoobe la leeyahay kuwa kasoo horjeeda Abiy Axmed ayaa tageeradda Ethiopia u weeciyay dhanka Farmaajo.

ICG waxay sheegtay in yoolka Kenya uu yahay in ay u heysato Jubbaland xeyndaab u dhexeeya iyada iyo Al-shabaab. Axmed Madoobe-na waxaa uu sii wadaa in uu ahaado dooqa Kenya tan iyo 2019-kii markii xiriirka Muqdisho iyo Nairobi uu mugdi galay sababa la xirira muranka badda oo soo cusboonaaday.

Taageeradda Axmed Madoobe uma dhama Kenyaantigu. Siyaasiyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Mandera Count Cali Rooba ayaa dhowr jeer ka cawday joogitaanka ciidanka Jubbland kuna tilmaamay in ay saxilooni darro abuurayaan. Weli xukuumadda Nairobi waxaa ay taageereysaa Axmed Madoobe.

Muranka u dhexeeya Ethiopia iyo Kenya iyo xulifooda Soomaaliya ee iska soo horjeeda waxay caqabad halis ah ku yihiin waxtarnimadda AMISOM.

Howlgalka AMISOM waxaa uu markii horeba la daalaa dhacayay cillado dhanka taliska ah, iyadoo dano qaran ay hoos u dhigeen iskaashigii howlgalka dhexdiisa ah, hadana waxaa xaaladda uga sii daray xiisadda labo wadan oo howlgalka ka tirsan.

Inkastoo ay Kenya iyo Ethiopia doonayaan in ay ka fogaadaan dagaal toos ah, xiisadda xiriirkoodu waxaa ay kordhineysaa walaaca ah in ay taagero military siiyaan xulifadooda Soomaalida ah.

Ethiopia iyo Kenya labaduba waxay Dowladda Soomaaliya la  diyaarinayeen kulan seddax geesood ah, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxaysa Muqdisho iyo Kismaayo, kadib markii uu dhacay dagaalkii Baled Xaawo, bishii March ee sanadkan.

Laakiin kulankaas oo markii hore la qorsheeyay in uu dhaco 16-kii March waxaa dib u dhigay Coronavirus oo ka dilaacay Bariga Afrika. Seddax dhinac midna kuma uusan dhawaaqin waqtiga lasoo celinayo wadahadallada.

Khatarta la xiriirta in lagu guul dareysto xalinta xiisadda Gedo, ama in la iska indho tiro waa suurtagal. Xiisadda u dhaxaysa Muqdisho iyo Jubbaland iyo gobollo kale ayaa khatar gelinaya doorashooyinkii qorsheysnaa ee wadanka waxayna sidoo kale ka gaabinayaan dadaalkii la dagaalanka Al-shabaab.

Xal walba ee la heli karo waxaa uu ku dhici karaa wajiyo dhowr ah, waxaana uu u baahanyahay in ay ka mid noqdaan jilaayaasha gobolka iyo kuwa dibadda ahba.

Dib u heshiisiin afar heer ah waa lagama maarmaan, in laga sameeyo qabiilka Mareexaan dhexdiisa, oo Gedo ugu kala qaybsamay laba dhinac oo qayb ay taageersanyihiin Jubbaland qaybna ay taageersanyihiin hoggaanka Farmaajo, waa in sidoo kale dib u heshisiinta la dhex dhigaa qabiilada Mareexaan iyo Ogaadeen, sida uu ururku warbixintiisa ku sheegay.

Ugu dambeyntii, ICG waxaa ay sheegtay in Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay,  Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK looga baahanyahay in ay Kenya iyo Ethiopia ku cadaadiyaan in ay xiisadooda dhameeyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker