Midowga Murashixiinta Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Eedeeyey inuu Carqaladeynayo Wadahadallada
Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu carqaladeynayo wadahadallada midowga musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagaldaacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga”
“Kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed kasoo baxay midowga musharraxiinta.
Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo wadahadallada u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo mucaaradka.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen dowladda inay ilaaliso amniga shacabka ka qeybgeli doono dibadbaxyada ay ku dhawaaqeen in Sabtida ay ku qaban doonaan fagaaraha Daljirk Dahson.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli shaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo midowga musharraxiinta ay kulan ku yeesheen Muqdisho, waxayna ku heshiiyeen in mucaaradka ay qabsadaan dibadbaxyo nabdoon ammaankiisa ay xaqiijiso dowladda.